Dowlada Masar Saraakiil Ka Socota Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho

jiinka June 4, 2013 Comments Off
Dowlada Masar Saraakiil Ka Socota Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray labo Generaal oo ka socota Dowladda Masar kuwaasi oo Dowladda Soomaaliya arimo muhiim ah ka gacan siinaya.

Labadan Generaal ayaa waxaa garoonka Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Faarax C/qaadir iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

 

Ujeedka ay uyimaadeen magaalada Muqdisho Saraakiishaan ka socda Dowlada Masar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii Dowladda Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dib udhiska xarumaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

 

Guddi gaar ah oo Wasaarada Gaashaandhiga ka tirsan ayaa la sheegay in loo xilsaaray wafuuda maanta timid kuwaasi oo kala shaqeyn doonaa meelaha ay booqan doonaan.

 

Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya Admiral Faarax Cabdi Qare ayaa sheegay in wafdigan yimid maanta Magaalada Muqdisho inta ay ku sugan yihiin ay wax badan iska wareysan doonaan.

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.