Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in muhiimada Soomaaliya ay ka leeyihiin ay tahay Nabadeynta dalka dagaalada ay aafeeyeen ee Soomaaliya, isagoona door muhiim ah ku tilmaamay kaalinta Nabadeed ee IGAD ay ka geysaneyso Soomaaliya.
Hadalkaan ayuu Madaxweyne Kenyatta ka jeediyay aqalka looga arimiyo dalkaasi, wuxuu kaloo Mr. Kenyatta amaanay dadaalada nabada loogu raadinayo ee ka socda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay dadaalada maamul goboleedyada loogu dhisayo gobolada dalka Soomaaliya kaasi ay garwadeeyn ay ka tahay dowlada Soomaaliya, isagoona ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay tiirarka lixda gaaraya ee dowlada Soomaaliya ay ku tiirsan tahay.
Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa dhamaan dhinacyada isku howlaya ka qeyb qaadshada Nabadeynta Soomaaliya sheegay in ay garab taagan yihiin, islamarkaana ay la shaqeynayaan.
Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Kenya wax dan ah aysan kala heyn Soomaaliya u jeedkoodana uu yahay sidii ay u taageeri lahaayeen Soomaalida cusub ee dooneysa in ay qeyb ka noqoto wadamada horumarka ku talaabsaday.
Madaxweynaha Kenya ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo dhamaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya in ay kaalmeeyaan Soomaaliya si hadafkeeda kaga mira dhaliso.
cumar c/rahiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.