Maanta waxaa ka dhacay garoonka Alfalaax ee magaalada Jeddah Cayaar ka tirsaneyd koobka Jaaliyadaha Afrika ee Jeddah, taasi oo ay marti gelinayso Jaaliyadda Soomaaliya xulalka Soomaaliya iyo Tchad.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weeraro isdaba joog ah oo ay ciyaartoyda xulka Tchad nasiimo ugu diideen difaaca xulka Soomaaliya, waxayna kusoo galeen dagdagsiinyo u suuragelisay inay gool kaga naxsadaan xulka Soomaaliya, goolkaas oo geliyay jahawareer ciyaartoyda, runtiina Xulka Tchad waxay ku gacan sareeyeen gelinkii hore ee ciyaata oo ay Gool iyo Eber kusoo afjareen.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayaa waxaa uu tababare Amiinow uu sameeyay bedel dhinaca weerarka ah, taasi oo u suuragelisay inuu faraha ku dhigo dhexda garoonka, waxayna xulka Soomaaliya bilaabeen cadaadis joogta ah oo ay ku hayeen goolka goolhayaha Tchad oo maanta ka badbaadiyay goolal fara badan.
Daqiiqadii 7-aad ee gelinta dambe waxaa ciyaaryahan Faysal oo sitay nambarka 9-aad uu kubadd toos ah la helay shabaqa reer Tchad, taasi oo neefta kusoo celisay taageerayaasha Soomaaliyeed ee fadhiyay garoonka Alfalaax, waxayna xulka Soomaaliya ku gacan sareeyeen gelinka dambe oo idil, iyagoo iska lumiyay saddex fursadood oo qaali ah, waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 1 – 1 oo ay barbaro ku kala baxeen labada dal.
Comments are closed.