Qalalaaso ka taagan Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/ Dhexe.

xeydar May 31, 2013 Comments Off
Qalalaaso  ka taagan Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/ Dhexe.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in howl galo ciidamada dowladda xalay ka sameeyeen Xaafadaha magaalada ay ku soo qabteen dad ku dhow boqol ruux.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay markii xalay fiidkii bartamaha magaalada lagu dilay Gudoomiyihii Xaafada Hantiwadaag Xuseen Jicib, kaasoo rag bastoolado ku hubeysan ay toogteen.

Ciidamada dowladda ayaa guryaha kala soo baxay dhalinyaro iyo dad da’a ah, kuwaasoo ka ag dhowaa halkii dilka ka dhacay, iyadoo xalay ku dhowaad 70-meeyo ruux ay ku hoydeen Xabsiga.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la xir xiray ay ku jireen Ganacsato magaalada aad looga yaqaano, inkastoo maamulka gobolka uu sheegay inuu baaritaan sameynayo.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Dhexe Cali Ciileey ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilkaas, isagoo tilmaamay inay ku raad-joogeen kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay ammaanka kala shaqeeyaan.

Mas’uulkan xalay lagu dilay magaalada Jowhar ayaa horay uga bad baaday weerar bambaano oo xafiiskooda lagula eegtay, kaasoo ay ku dhaawacmeen labo askari, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii u horeeyay ee gudoomiyeyaasha xaafadaha Jowhar oo lagu dilo magaalada.

Magaalada Jowhar ayaan laheyn ciidamo boolis ah, taas ayaana loo sababeynaya in ciidamada Milateriga oo ah ciidamada kaliya ee jooga in ay ammaanka wax ka qaban waayeen, sidoo kale Gudoomiyeyaasha Xaafadaha ayaan laheyn wax ilaalo ah.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.