DIYAARAD DRONE AH OO KUSOO DHACDAY DEGMADA BUULO MAREER

xeydar May 28, 2013 Comments Off
DIYAARAD DRONE AH OO KUSOO DHACDAY DEGMADA BUULO MAREER

Warar goordhaw naga soo gaaray Degmada Buulo Mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay kusoo dhacday diyaarad nooca Dronka ah ee aan cidi wadin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Buulo Mareer howdkeeda ay ku dhacday diyaarada halkaasina ay ku jajabtay waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay durba ku yaaceen goobta ay diyaaradaasi ku dhacday.

Shacabka deegaanka ayan usuuragelin inay goobta tagaan maadaama ciidanka Shabaab ay halkaasi tagaan oo wararka qaar ay sheegayan in burburka diyaarada xitaa ay halkaasi kasoo qaadeen.

Faah-faahin dheeraad ah lagama haayo ilaa iyo iminka sababta ay diyaaradaasi usoo dhacday iyo Al-Shabaab ay diyaaradaasi soo rideen.

Degmada Buulo Mareer ayaa waxaa horay weerar uga geestay Dowladda faransiiska xilli ay doonayeen inay soo furtaan sarkaal udhashay dalkaasi balse aysan ku guuleysan.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.