Qunsulkii dowladda Soomaliya u fadhiyey dalka Sacuudiga oo xilkii laga qaaday, loona dhiibay qunsul cusub

xeydar May 28, 2013 Comments Off
Qunsulkii dowladda Soomaliya u fadhiyey dalka Sacuudiga oo xilkii laga qaaday, loona dhiibay qunsul cusub

Dowladda Soomaaliya ayaa isbedel iyo isku shaandheyn ku sameysay qaabka ay u shaqeyso qunsuliyadda Soomaalida ee dalka Sacuudi Carabiya, waxayna dowladdu bedeshay qunsulkii hore, halka ay u magacawday qunsul cusub oo bedelaya kii hore.

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Riyaad ee xarunta dalak Sacuudiga ayaa waxaa xilalka ku kala wareegay qunsulkii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalka Sacuudiga Eng. Maxamed Cabdi Kulmiye iyo qunsulka cusub oo isna lagu magacaabo Daahir Aadan Wehliye, waxaana munaasabadda ka qeybgalay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal oo ka qeybgalay munaasabadda ay xilalka ku kala wareegayeen labada qunsul ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sida hagaagsan ee uu xilka u wareejiyay qunsulkii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaa qunsuliyadda Soomaalida Sucuudiga, wuxuuna ku ammaanay howshii wanaagsaneyd ee uu qaranka u soo qabtay intii uu xilka hayey.

 

Maxamed Nuur Gacal wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dadku aysan jecleen inay ka qeybgalaan munaasabadda sidan oo kale xilka masuul looga qaadayo balse ay ka jecelyihiin inay ka qaybgalaan munaasabad mas’uul lagu caleema saarayo, isagoo tilmaamay inay tahay arrin isku mid ah xil u magacaabista iyo ka qaadista mas’uuliyiinta qaranka, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka rajeynayo qunsulkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey boqortooyada Sucuudi Carabiya Eng. Maxamed Cabdi Kulmiye inuu dedaalkiisa halkaas ka sii wadidoono, isagoo sheegay y in mudadii uu hayey xilka qunsuliyadda uu si wanaagsan ugu adeegay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sucuudiga sida uu yiri.

 

“Waxaan idiin sheegayaa in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ku howlantahay isbedel iyo isku shaandheyn ay ku smeyso safiirada iyo qunsuliyadaha dibada ee dowladda, sidoo kale waxaad ka warqabtaan in wasiiradda arrimaha gudah ay u yeeritay gebi ahaanba safiirada Soomaaliya dibadda u fadhiya si qorshaha wasaaraddu howlaheeda horay ugu sii socoto, Sacuudiga ragga dowladda u fadhiyey waxay mudanyihiin ku dayasho” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Soomaaliya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.