Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa ka soconaya shirka maalgashiga iyo dib udhiska ganacsiga Soomaalia, kaasi oo la doonayo in qodobada ka soo baxa dhaxal gal iyo dib u dhis ay u noqdaan Soomaaliya.
Shirkan oo si gaar ah uga socda Caasimada Kenya ee Nairobi ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax ka tirsan dowlada Soomaaliya oo iyagu shirka ka jeedin doona khudbado ku aadan dib u dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya, waxaaana sidoo kale Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya kamid ah Madax ka socota dalka Ingiriiska iyo dowladaha gobolka ku yaala, kuwaasi oo daneynaya horumarka iyo nabadeynta Soomaaliya.
Sidoo kale Madasha shirka uu ka soconayo ayaa waxaa ku sugan in kabadan 50 shirkado oo caalami, kuwaasi oo la filayo in ay shirka ku soo bandhigaan qaabka cusub ee ay ku doonayaan in ay u maalgashadaan Soomaalida cusub iyo sida ugu fudud ay ku maalgashan karaan.
Shirkan Magaalada Nairobi ka furmay ayaa daba socda kulankii dhawaan ka furmay Magaalada London ee ay sida wada jirka ah u wada daadihinayeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka Britain.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.