Xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo lagu wareejiyey ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM

jiinka August 13, 2012 Comments Off
Xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo lagu wareejiyey ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM

Munaasabad si rasmi ah loogu wareejinayey ciidamadda booliska AMISOM xarunta gaadiidka booliska ayaa ka dhacday isla xaruntaasi, munaasabada ayaa waxa ka soo qeyb galay taliye ku xigeenka ciidamadda booliska AMISOM, Wasiirka Arimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya, Taliyaha booliska dowladda KMG, saraakiil ciidamadda booliska ee dowladda iyo AMISOM.


Munaasabadda waxaa ka hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamud kaasi oo sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay ciidamadda booliska AMISOM xarun u noqon doonto xarunta gaadiidka booliska.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadaani ay si weyn ugu qeyb qaadan doonaan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmo ay ka harsan tahay xiliga doorasha ay ka dhici lahayd, waxaana taliye ku xigeenka ciidamada booliska AMISOM Benzo Onye Oyenko oo meesha ka hadlay ayaa isana sheegay in ciidamadda booliska ay ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka, sidoo kale waxa uu xusay in ciidamada booliska AMISOM la keenay ay gaarayaan 140 askari.
Onye ayaa intaasi ku daray in ciidamadda booliska AMISOM ay iyagu galbin doonan madaxda dowladda halka markii hore militariga AMISOM ay galbin jireen, iyadoo taliyaha booliska Dowladda KMG Jen. Shariif Shaquna Mayee ayaa isana ka hadlay goobta waxa uu hoosta ka xarriqay inay la shaqeyn doonaan ciidamadaani booliska AMISOM.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.