Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxa ay sheegayaan in garoonka Magaalada Kismaayo lagu celiyay wafdi wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.
Wariye ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa saxaafada Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiiro kale loo diiday inay galaan Magaalada sababo lagu sheegay in ciidanka Kenya ee Magaalada Kismaayo ay usheegeen wafdiga inaysan ammaankooda damaanad qaadi karin hadii ay gudaha Magaalada aadaan.
Ilaa hada wararka ay Jiinwabi.net ee Magaalada Muqdisho ay helayso ayaa xaqiijinaya in wafdiga Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socda ay ku sugan yihiin garoonka Magaalada Kismaayo.
Kismaayo ayaa maalmahan waxaa ka taagan xasarad dhanka siyaasada ah maadaama Dowladda Soomaaliya ay si adag ugu soo horjeedo maamulka Jubbaland ee laga dhawaaqay Magaalada Kismaayo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.