Fursaddo waxbarasho oo loo fidiyay qaar ka mid ah ardeyda degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

jiinka August 31, 2012 Comments Off
Fursaddo waxbarasho oo loo fidiyay qaar ka mid ah  ardeyda degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

Ururka hormarinta wax barashada Ardayda ee GOSED uu fadhigoodu  yahay magaalada Muqdisho ayaa soo qaban qaabiyay Xaflad Deeq Wax Barasho lagu Tabarucay  in ka badana Lixdan Arday Soomaaliyeed.

 Fursada waxa barasho ayaa la siiyay ardayda dhigata dugsiyada Hoose ,Dhexe, Sare iyo Jaamacado  waxaa si weyn uga faa’ideysan doona Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho gaar ahaan Ardayda  ku dhaqan Degmada Dharkeenley.

 

Godoomiyaha Ururka hormarinta wax barashada Ardayda ee GOSED Axmed Sheekh Xasan oo hadal ka jeediyey Xafladan ayaa sheegay in wax barasho Lacag la’aan ah oo ka kooban heerar waliba oo iskugu jiraan Jaamacad iyo kuwa kale ee Asasiga ah in uu u helay Ardayda deegaanka,  waxuuna intaa ku daray ineysan jirin cid ku garab ku siinaysa deeqdan isla markaana ay ugu tala galeen in ay ugu faa’ideeyaan  Arday Soomaaliyeed oo aan Awood u laheyn in ay iska bixiyaan tasii laadka ama Lacagaha  waxbarashada.

 “waxaan ugu talo galnay qorshahan in uu noqdo wajiga Koowad Ururka waxaa u dagsan qorshe  in uu sanadkaani ilaa Sanadka dambe uu gaarsiiyo deeqda wax barasho Ilaa  Kun Arday, qarashka waxaa naga bixiyay oo Ururka u kifaallo qaaday Ardayda  waxbarashadooda in ay bixiyaan  qaar ka mid ah Jaalidaha banaanka iyo  waliba qaar gudaha ku sugan”. sidana waxaa yiri Axmed Sheekh.

 

Xaflada oo  aad u balaarney ayaa  ka soo qeyb galay  Waalidiinta Ardayda , mas’uuliyiinta Ururka GOSED,  Aqoonyahano, Culimaa’udiin iyo Maamulka Degmada Dharkenley, waxaana ka  hadlay Fursadaha waxbarasho ee loo fidiyay qaar ka mid ah  ardeyda degmada Dharkeenley  dad badan sida  Sheekh Cabdulaahi Xooshow, Aadan Maxamed Cumar, Muxudiin Maxamed Cumar, Geedi Maxamuud Maxamed,  Cali Axmed , Sheekh Yuusuf Jimcaale oo intoodaba si wanaagsan u cabireen qeymaha ay wax barashada u leedahay ubadka in wax la baro, “BERI HORE WAXAY AHEYD WAX BARO ISKANA BIXIYA, BERIGA WAXAAN HEYNAA WAR DHAHAYA WAXBARO ANAGAA KAA BIXINEYNA”.  sidaana waxa yiri  Sheekh Yuusuf Jimcaale  oo ku hadlayay magaca waalidiinta.

  

Ugu dambeentii waxaa ka hadlay  Guddoomiyahay Degmada Dharkenlay Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo aad ugu faraxsaan in uu gudoonsiiyo Fursaddo waxbarasho Ardayda Soomaaliyeed.

 “waa  fursad fiican oo ku dayasho mudan ayna tahay in arrinkaan  Walidiinta ugu faa’ideeyaan Carruur tooda, Waxaana lagu deydaa Aqoonta Ninka kaaga fiican si aad u kororsataa wanaaga aqoontana in  laga faa’ideesto ayaan soo jeedinayaa, dhanka Xukuumada cusubna waxaa ka rajeynayaa in ay hergeliyaan Dugsiyo Lacag la’aan ah , Insha Allaah haduu Alle yiraahdo  is gacan qabsi iyo Dadaal badan  in dhalintaani ay wax barashadu  wado ayaan ka rajeynayaa mustaqbalka ”.

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay xarun ay usoo tartamayaa shacabka dibad jooga ah si ay wax ula qabsadaan ama ay u abuuraan mashaariin ku aadna dhanka horumarinta Bulshada Soomaaliyeed.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.