Wararka naga soo kala gaaraya magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee gobolada Bari iyo Mudug ayaa waxau sheegayaan in magaalooyinkaasi ay siyaabo kala duwan uga dhaceen dilal loo kala geystay nin nabadoo ah iyo mid ka mid ah askarta maamulka Puntland, kuwaas oo ay dilalkooda fuliyeen sida ay dadka deegaanku sheegeen kooxo ku hubeysnaa bastoolado.
Dilka hora ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo halkaas oo lagu dilay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan gobolka Mudug, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyey Nabadoon Faaruuq, waxaana dilkiisa fuliyey kooxo bastoolado ku hubeysnaa, waxaana la sheegay in xilliga la dilayey nabadoonka uu taagnaa albaabka hore ee gurigiisa oo ku yaala Waqooyiga magaalada Galkacyo.
Sida warku sheegayo kooxihii dilka u geystay nabadoonka ayaa goobta ka baxsaday, waxaana gtoobta soo gaaray daqiiqado ka dib ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo baaritaano kala duwan ka sameeyay goobtii uu dilku ka dhacay, isla markaasna ku qabqabtay dad badan oo ay uga shakiyeen inay ku lug lahaayeen dilka nabadoonka.
Dhinaca kale wararka aynu ka helayno magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada amniga Puntland, kaas oo lagu toogtay bartamaha magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay in askariga la dilay isagoo ka soo baxayey saldhig ciidan oo ku yaala gudaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wax yar un ka dib markii uu dilku dhacay ka dib ayaa waxaa goobtii uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan booliska Puntland, kuwaas oo sheegay in dad ka mid ahaa kuwii dilay askariga ay qabteen, iyadoo sarkaal u hadlay booliska Boosaaso uu sheegay inay baaritaan marin doonaan dhowr ruux oo ay uga shakisanyihiin inay ku lug lahaayeen dilka loo geystay askariga oo uu sheegay inuu ka tirsanaa boolis magaalada Boosaaso.
Si rasmi ah looma oga sababta loo dilay nabadoonka iyo askariga ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay dilka loo geystay nabadoonka lagu dilay Gaalkacyo iyo askariga isna lagu dilay magaalada Boosaaso, waxaana xusid mudan in dilalkan ay ku soo beegmayaan iyadoo dhawaan duleedka magaalada Boosaaso lagu dilay 13-ruux oo maxkamadda ciidamada Puntland ay horay ugu xukuntay dil toogasho ka dib markii ay ku eedeysay inay ka mid yihiin Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.