Shaqaalo ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha ayaa waxaa loo furay tababar ku aadan sare uqaadistooda aqoonta,waxaana tababarkaan iska kaashaday Wasaarada arimaha gudaha iyo sidoo kale Hay’adda CRD ee Magaalada Muqdisho.
Xubnaha ka mid ah shaqaalaha Wasaarada arimaha gudaha ee tababarka loo furay ayaa gaaraya ilaa 30-shaqaale kuwaasi oo isugu jira hablo iyo wiilal.
Furitaanka tababarkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamuud Cali kaasi oo sheegay inay wanaagsan tahay in shaqaalaha ay ka faa’iideestaan tababarka.
Wuxuu sheegay in ujeedka uu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta qaar kamid ah shaqaalaha Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda.
Muddo saddex cisho ah ayaa la sheegay inuu socon doono tababarka ku saleysan sare uqaadista aqoonta xubno kamid ah shaqaalaha Wasaarada arimaha gudaha.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.