Libaaxyada Badweynta Hindiya oo Gool iyo Eber ku cunay Xulka Nayjeeriya.
Xulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah ayaa maanta Gool iyo Eber ( 1 – 0 ) ka badiyay Xulka Jaaliyadda Nayjeeriya kadib markii ay kulankoodii ugu horeeyay fiidnimadii Khamiista ku kulmeen garoonka Alfalaax ee xaafadda Bawaadi, ciyaar ka tirsaneyd Koobka Saaxiibtinimada Jaaliyaddaha Afrika ee ay martigelinayso Jaaliyadda Soomaaliya.
Ciyaar aad iyo aad u xoogan oo ay labada dhinacba ahaayeen kuwo isudhigma ayay labada Jaaliyadood la yimaadeen, iyadoo ay xulka Soomaaliya kusoo galeen dardar xoogan oo ay doonayeen inay ciyaarta goor hore soo afjaraan, haseyeeshe xulka Nayjeeriya ayaa arintaasi horjoogsaday isagoo kala diray dhamaan weeraradii ciyaartoyda Soomaaliya.
Gelinkii hore ee ciyaarta ayay labada xul isla mari waayeen 0 – 0, waxayna fursad u heleen inay dib ula soo tashadaan tababarayaashooda.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayay xulka Nayjeeriya oo wax ka bedelay hanaankii ay ku cayaarayeen ayaa waxay bilaabeen inay weerarada kasoo dhisaan labada baale, taasi oo uu fahmay tababare AMIINOW oo markiiba isna ciyaarta u bedelay baas gaagaaban iyo degdeg weeraro kedis ah, waxaana usuura gashay daqiiqadii 20-aad ee gelinkii dambe ay Goolkoodii ugu horeeyay ku keenaan xulka Jaaliyadda Nayjeeriya, kadib markii difaaca reer Nayjeeriya uu kubadda dibada isaga soo saaray ayna u tagtay laacibka sitay nambarka 15-aad ee xulka Jaaliyadda Soomaaliya Mr. Cabduraxmaan uuna iyadoo uu san eegin ku celiyay goolka Nayjeeriya, waxayna ciyaarta kusoo gabagabowday Gool iyo Eber oo ay Soomaaliya ku qaadatay saddexdii dhibcood.
Waxaa ciyaarta maanta buux dhaafiyay taageerayaa Soomaali ah oo ku taageerayay xulka Jaaliyadda halkudhigyo dhiiragelin ah, taasi oo khalkhal weyn gelisay ciyaartoydii reer Nayjeeriya.
Libaaxyada Badweynta Hindiya ayaa maanta kusoo galay dardar xoogan iyadoo ay dhegahooda ka yeerayeen guuldaradii cusleyd ee ay xulka Jaaliyadda Soomaaliyeed kala kulmeen sanadkii hore xulka Suudaan iyo xulka Chad.
Ciyaartoyda ayaa xalay casho sharaf hotel Lantana ugu sameeyay qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddah Eng. Safiir Maxamed Cabdi Kulmiye oo ku guubaabiyay dhalinyarada inay asluub iyo dal jaceyl la yimaadaan, abaalgudna ay heli doonaan hadii ay natiijo wacan ka gaaraan tartanka.
Waxaa diyaariyay:
Maxamuud Sh. Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.