Shiinaha iyo Hindiya oo isku raacay inay gacan ka geystaan dib u dhiska Soomaliya, kana hadlay arrinka.

xeydar May 24, 2013 Comments Off
Shiinaha iyo Hindiya oo isku raacay inay gacan ka geystaan dib u dhiska Soomaliya, kana hadlay arrinka.

Ka dib kulan si wada jir ah u wada qaateen Ra’isul wasaarayaasha dalalka Shiinaha iyo Hindiya ayaa waxay ka wada hadleen arrimoaha dalka Soomaaliya, sidoo dowladda Soomaaliya ay gacanta ugu wada dhigi laheyd dalka oo dhan iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen taageeridda dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay guulo waa weyn gaartay.

Ra’isul wasaaraha Shiinaha Li Keqiang iyo Ra’isul wasaaraha dalka Hindiya Manmahan Siin ayaa waxay isku afgarteen sidii ay dowladda Soomaaliya uga taageeri lahaayeen la dagaalka Al-shabaab iyo sidii ay dowladda Soomaaliya isugu fidin laheyd gobolada dalka Soomaaliya oo ay hadda kala maamulaan Al-shabaab iyo maamul goboleedyo fikir ahaan ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Manmahan Siin oo ah Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka istaagi ladaghay labo arrimood oo uu ku kala sheegay in Soomaaliya ka istaagi la’ dahay Burcad badeeda Soomaalida iyo Al-shabaab oo dagaal xoogan kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, wuxuuna intaasi ku daray in inkastoo Burcad badeeda Soomaalida saameyn ku yeesheen caalamka oo dhan haddana dalkiisa ay si gaar ah u saameeyeen oo marar qaarkood kooxaha burcad badeeda ay maraakiibta ka qafaashaan meel aan ka fogeen biyaha India,wuxuuna ka codsaday dhamaan beesha caalamka in loo istaago caawinaada la siinayo dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Li Keqiang oo ah Ra’isul wasaaraha shiinaha ayaa dhankiisa amaanay hormarka Soomaaliya haatan laga dareemayo, isagoo farta ku fiiqay arrimaha caqabadaha ah ee wali Soomaaliya ka taagan,tilmaamayna in sida wada jir ah wax looga qabto, waxayna labadaan mas’uul oo u jeedkooda uu ahaa ka hadalka xariirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya shiinaha iyo Hindiya ayaa qeybaha danbe ee hadalkooda waxay ku soo qaadeen Soomaaliya iyo caqabadaha horyaaal.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.