OBAMA OO ISTICMAALKA DIYAARADAHA DRONESKA KU TILMAAMAY MID ISDIFAACID AH

xeydar May 24, 2013 Comments Off
OBAMA OO ISTICMAALKA DIYAARADAHA DRONESKA KU TILMAAMAY MID ISDIFAACID AH

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay arinta Muranka badan dhalisay ee adeegsiga diyaaradaha Droneska,isagoona sheegay in adeegsiga Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drone) loo yaqaan ay tahay difaacida danaha Mareynkankanka.

Barack Obama Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in Maraykanka uu adeegsado diyaaradahaasi, marka ay kooxaha khatarta ku ah Maraykanka ay ku sugan yihiin wadamo kale isla markaana ay dowladahaasi aysan waxna ka qaban karin.

Obama ayaa hadalkaan ka jeediyay National Defence University,wuxuuna shacabka u cadeeyay in diyaaradaha aan cidi kaxeyn goobo cayiman ay ka geystaan duqeymaha.

Obama ayaa ku tilmaamay duqeymaha diyaaradahan kuwo ay Maraykanka isku difaacayaan, wuxuuna sheegay in ay hada wixii ka bilowda xadidi doonaan adeegsigan diyaaradahan, si loo yareeyo khasaaraha shacabka kasoo gaara duqeymaha ay diyaaradahan geystaan.

Mareynkanka ayaa duqeymo ka geysta wadamo badan oo ku sheegay inuu ku tuhunsan yahay rag lala xariinayo inay ka tirsan yihiin waxa loogu yeero argagixisada,waxaana ka mid ah wadamada Mareynkanka uu duqeeyo,Soomaaliya,Yemen,Afgaanistan,Bakistan iyo wadano kale oo Qaarada Africa ku yaalo.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.