Aabbe Cabdirisaaq Wuxuu Weli Taageeraa Kooxda Chelsea Oo Uu Wiilkiisii Uu Jeclaa Naftiisii Ku Waayey

jiinka August 29, 2012 Comments Off
Aabbe Cabdirisaaq Wuxuu Weli Taageeraa Kooxda Chelsea Oo Uu Wiilkiisii Uu Jeclaa Naftiisii Ku Waayey

Marka la fiirio Ciyaaraha waxaa la dhehi karaa waa Balwad waxayna mararka qaar ay keenaan Dil gaar ahaan dhinaca Taageerayaasha oo iyagu is dila kuwa kale iyagaa nafta iska gooyo Ciil Dartii marka Guuldarro soo wajahdo Kooxda markaa ay Taageerayaan , iyadoo taasi jirto ayaa sannadkii 2005 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dhacdo la yaab leh ka dib markii wiil lagu Magacaabo Maxamed Cabdirisaaq Maxamed oo taageero weyn u ahaa Kooxda Chelsea ay isku dhaceen Wiil kale oo isna taageero u ahaa Barcelona ,Gacan ka hadalkaa waxa uu sababey in uu geeriyoodo Maxamed Cabdirisaaq ka dib markii lagu dhuftey Feer .

 

Aabhii dhaley Maxamed Cabdirisaaq ayaa xiliigii la diley wiilkiisa waxaa uu isna Waqtigaas Cadeeyey in uu taageero u yahay Kooxda Chelsea taageeranimadii wiilka uu isaga la wareego mar aan weydiiyey Sababta uu isna Taageero ugu noqdo kooxda Chelsea maadaama uu wiilkiisii ku naf waayey” Waxaan doonyaa in aan halkaa ka sii wado teegeerida Kooxda Chelsea Waqtigaas ayaa Bilaabey in aan noqdo Taageero weyn oo ka tirsan Kooxda Chelsea “Waxaan weydiiyey sow lagama yaabo in adigana Naftaada ku weyso maadaama wiilkii aad jecleyd uu naftiisii Khaaliga ahayd ku waayey wuxuu ku jawaabery “Waxaan Wiilka u badeley waxay tahay sidii Dhalinyarada ugu dhaadhicin lahaa in aan la isku dilin Ciiyaaraha oo aan naf loo goyn oo arrintu ku ekaato taageeranimo keliya waxaana kuu sheegayaa in Xitaa aan Cafiyey wiilkii diley Wiilkeyga “

 

Sow Xasuus kuuma reebin kulankii dhawaan dhexmarey Kooxaha Chelsea iyo Barcelona ee Horyaalada Yurub “Haa waxay i Xasuusisey Ciyaartii labada wiil isku dileen ,hadana waxaa ku hilmaamey Murugadaa Guushii ay gaartey Kooxda Chelsea , waxaanaa rajeynayaa in Sannadkaan Kooxda Chelsea ay noqopto Horyaalka Qaarada Yurub maadaama Kooxda ay sugeysa Koobkaas Muddo dheer

 

Maxaa ugu baaqeysaa Kooxda Chelsea iyo Masuuliyiinteeda maadaama wiilkaadii aad jecleyd uu Naftiisii ku waayey Taageerida Kooxda Chelsea “Wxaaan ugu baaqayaa Masuuliiyiinta Kooxda in ay sii laba laabto dadaalka ay ugu jirto hanashada Koobka,anigana haddii ay suurtagal tahay in Maamulka Chelsea uu ii fududdeeyo in aan si toos ah u daawado Ciyaarta dhexmareysa Kooxda Chelsea iyo Kooxda Bayer Munich ee dhici doonto 19 May wuxuuna ku soo gabagabeeyey Aabe Cabdirisaaq oo markaa Xirnaa Funaada Buluuga ah ee ay Caanka ku tahay kuna Asteysan Shirkadda SAMSUNG ee Kooxda Chelsea, waxaana wajigiisa laga dheehanayey Farxad isagoo ku qaylinayey Guul Kooxda Chelsea iyo koobka oo loo Hoyo Stanford Bridge (Chelsea Food Ball Club)

Comments are closed.