Kulan balaaran oo maanta Muqdisho ay ku yeesheen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ku taageereen Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayagoona dhinaca kale kasoo hor jeestay Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda “Saacid”.
Kulanka oo ahaa mid Xildhibaanadani ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Xukuumadda Dr. “Saacid” ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, waxa uuna sheegay in isaga uu kamid ahaa Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Xukuumadda, balse waxa uu tilmaamay qiimeyn uu sameeyay iyo taageerada ay shacabka u hayaan Xukuumadda “Saacid” kadib uu ka laabtay mowqifkiisa Mooshin ka keenista Xukuumadda Dr. “Saacid”.
Xildhibaan Cabdi Xaashi oo mudanayaashii kulanka ka qeyb galay kamid ahaa goobtana hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare “Saacid” ay u yeereen Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana ay su’aalo waydiiyeen kuna qanceen Jawaabihii uu siiyay, laakiin waxa uu sheegay in uusan garaneyn sababta ka dambeysa labo isbuuc kadib in Xukuumadda Mooshin laga keeno.
Sheikh Aadan Madoobe oo gudoomiye Baarlamaan soo noqday kulankana qeyb ka ahaa ayaa sheegay in xiligani aan loo baahneyn Mooshin laga keeno Xukuumadda lixda Bilood jirsatay ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
Dhawaan ayey aheyd markii qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay gudoonka Baarlamaanka horgeeyeen Mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu hogaanka u hayo Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayadoona Mooshinkaasi ay qeylo dhaan ka muujiyeen siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.