Safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka oo Muqdisho looga yeeray (Maxay tahay sababta?)

xeydar May 20, 2013 Comments Off
Safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka oo Muqdisho looga yeeray (Maxay tahay sababta?)

Warar aanu ka helnay Xafiiska wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in dhammaan safiirrada Soomaaliya u fadhiya dalalka dibadda lagu wargeliyay inay dalka ku soo xaroodaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa la sheegay in Sida sababta ay safiiradaa ugu yeertay ay tahay iyadoo wasaaraddu qorsheynayso inay dib u habeyn ku sameyso safaaradaha dibadda, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaar badan xilalkasafiirnimo ay weyn doonaan, kuwo kalena laga bedeli doono dalalkii ay horey safiirada uga ahaayeen.
Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sii qulqulaya safiiro kuwaasoo lagu wargeliyey inay caasimadda dalka iska soo xaadiriyaan.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.