Dab la qabadsiiyay Tuulo ku taalla degmada Jowhar

xeydar May 20, 2013 Comments Off
Dab la qabadsiiyay Tuulo ku taalla degmada Jowhar

Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in habeenkii xalay dab la qabadsiiyay tuulo ku taalla duleedka magaalada Jowhar.

Tuuladaa la gubay oo la yiraahdo Mayuungaale ayaa waxaa la sheegayaa inay gubeen kooxo hubeysan oo horey dagaal uu u dhex maray dadkii deganaa deegankaas kuwaasoo aanooyin qabiil uu ka dhexeeyay.

Wararku waxa ay sheegayaan in gebi ahaanba ay tuuladaasi bas beeshay isla markaana dadkii deganaa ay gebi ahaanba ka guureen tuuladaasi maadaama ay bas beeshay.

dabka la qabadsiiyay Tuulada Mayuungaale ayaa geestay qasaaro naf iyo maal leh waxaana ku dhintay hal qof halka ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo haatan lagu dabiibayo Cusbitaalka Intersos magaalada Jowhar.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka amababaxay magaalada Jowhar ayaa gaaray tuuladaas la gubay waxaana la sheegayaa inay soo qabqabteen tiro dad ah oo lagu tuhmay inay ka dambeeyeen gubista tuuladaas.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.