Waxaa Fiidnimadii Jimcaha 17/05/2013 lagu qabtay garoonka Alfalaax ee magaalada Jeddah xafladii furitaanka ciyaaraha Kooxbka Saaxiibtinimada Jaaliyadaha Afrika, (Muqdisho 2013) iyadoo ay kasoo qeyb galeen shakhsiyaad fara badan oo uu u horeeyay ninka maal qabeenka ah ee Sacuudiga Sheekh Saalax Bin Saalim Baahaweyni, iyo Mas’uuliyiin ka kala socotay dowladaha ka qeyb galaya tartanka.
Xaflada ayaa ku bilaabatay aayad quraan ah oo inoo aqriyay mudane Cabduraxmaan Sayid Abubaker, kadibna uu hadalkii halkaa ka qaatay Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah Eng. Ismaaciil Naaleeye oo u mahad celiyay maalgeliyaha tartanka, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay madaxa xiriirka kubadda Cagta Jaaliyadaha Afrika mudane: Diaby Gaoussou Nassere oo cadeeyay walaaltinimada ka qeyb galayaasha tartanka.
Markaa ka dib waxaa hadalkii qaatay Sheekh Saalax Bin Saalim oo ah maalgeliyaha tartanka oo sheegay inuu sii wadi doono taageeradiisa uu u hayo tartanka, wuxuuna wufuudii kasoo qeyb gashay tartanka ku soo dhaweeyay dalkooda labaad.
Kelmadii Sheekha kadib waxaa Microfoonka qaatay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddah Eng. Safiir Maxamed Kulmiye oo u mahadceliyay maalgeliyaha tartanka, wuxuuna uga mahadceliyay kalsoonidii Soomaaliya la siiyay.
Intaasi kadib waxaa halkaasi Folkoloor ka dhigay kooxda Folkoloorka ee loo yaqaano Barbaarta Gaashaaman bandhig faneed ay kusoo bandhigeen hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya.
Garoonka Alfalaax ee xadiiqada Amiir Maajid ayaa maanta qaabilay dadweyne aad u fara badan oo u yimid daawashada ciyaarta koobaad ee dhexmartay labada Jaaliyadood ee Morocco iyo Niger.
Cayaarta ayaa ku bilaabatay seerigii Garsooraha Xaamid iyadoo ay labada kooxoodba ku soo galeen dardar xoogan, gaar ahaan kooxda Morocco oo weerarkoodii koobaad daqiiqadii 7-aad ay gool la heleen shabaqa goolhayaha kooxda Niger, iyadoo uu goolkaasi si toos ah u dhaliyay ciyaaryahanka sitay Nombarka 7aad ee lagu magacaabo Khalid Edbeeexi, goolka kadib ayaa cayaarta waxay isu rogtay weerar iyo weerar celis gaar ahaan kooxda Niger oo isku dayday inay barbareeso kooxda Morocco, waxaana usuura gashay saddex daqiiqo kadib inay soo taabtaan goolka Morocco kadib markii cayaaryahan Bakar Xasan oo sitay nambarka 3aad uu Gool qurux badan la helay shabaqa reer Morocco, intaasina ay gelinkii hore ee ciyaarta kusoo gabagabowday 1 – 1.
Gelinkii Dambe ee ciyaarta ayay kolkii ay lasoo tashadeen tababarayaashooda ayaa waxay ciyaarta noqotay mid isu dheelitiran dhinac walba, iyadoo ay labada kooxood iska lumiyeen fursado qaali ah, hadana waxaa si xun goolal u khasaariyay xulka Niger oo aad mooday inuu degdegsanaa.
Waxayna ciyaarta kusoo gabagabowday Gool iyo Gool oo ay islamari waayeen.
waxaa ciyaartaasi daadihinayey talefishanka Caalamiga ee SomaliChannel oo ay horseed ka ahaayeen mudane Cabduraxmaan Abanuur, iyo Xabiib Shariif, iyo Cabdulcasiis Kulmiye.
Comments are closed.