BAYDHABO oo Saxriirisay DAHABSHIIL, Furitaankii tartanka Koobka HORYAALKA Jaaliyadda Soomaaliyeed ee JEDDAH.

xeydar May 19, 2013 Comments Off
BAYDHABO oo Saxriirisay DAHABSHIIL, Furitaankii tartanka Koobka HORYAALKA Jaaliyadda Soomaaliyeed ee JEDDAH.

Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay soo diyaariyeen Ururka Kubadda

Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah, ayaa ka
dhacday garoonka Sharbatle, iyadoo xafladaasi ay furitaan u ahayd
tartanka Koobka HORYAALKA Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah,
waxaana ku tartamaya 16 kooxood oo ka tirsan kooxaha ka dhisan
magaalada Jeddah.

 

Waxaa Xaflada ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Xafiiska
Wacyigelinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah Sheekh
Cabdulcasiis oo dhalinyarada ku guubaabiyey inay is walaashadaan.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka
Cabdulqaadir Magan, gudoomiye kooxeedyada mudane Maxamed
Cismaan MOSMAN, Gudoomiye Cali Maxamed Colaad “CALI
BAASHI”, Mudane Cabdirasaaq Iimaan Xalane gudoomiyaha Kooxda
Jubba Airways, Mudane Xasan Foodcadde oo dhamaantood kula
dardaarmay dhalinyarada inay la yimaadaan qiiro wadaninimo iyo
asluub isboorti, kuna dadaalaan horumarinta isboortiga Soomaaliya,
xafladana waxay kusoo dhamaatay sidii loogu talagalay.

Tartanka Koobka Horyaalka Jaaliyadda Jeddah ayaa ka qeyb galaya
16 Kooxood oo loo kala qeybiyay 4 Guruub oo kala ah:
Group A:
DAHABSHIIL, BAYDHABO, IFTIN, iyo WAABERI.
Group B:
SHAMSAAN, SHARBATLE AJAX, AFGOOYE, iyo MARKA STARS.
Group C:
ELMAN, KAMIROON, JUBBA, iyo JASIIRA.
Group D:
ARLAADA, BARSHELONA, KANDARA, iyo NEW-STAR.


Waxaa cayaartii furitaanka nasiib u helay kooxaha BAYDHABO iyo
DAHABSHIIL, iyadoo Garoonka Sharbatle uu buuxdhaafiyay
dadweyne aad u fara badan oo kala taageerayey labada kooxood,
waxaana ciyaarta si rasmi ah u furay isagoo kubadda dhexda ka
laaday Laacibkii berisamaadkii u cayaari jiray naadiga Batroolka
AWEES XAAJI.
Kooxaha BAYDHABO iyo DAHABSHIIL ayaa soo bandhigay cayaar
wanaagsan oo ay ku dheehneyd xirfado cusub, waxayna xiisa gelisay
taageerayaashooda, iyadoo ay cayaarta kusoo galeen dardar xoogan,
haseyeeshee aanay waxba kala dhalin gelinkii hore ee ciyaarta.
Kolkii la isugu soo noqday gelinkii dambe ee Ciyaarta ayaa
tababaraha naadiga Baydhabo uu xooga saaray dhexda garoonka
taasi oo u sahashay inuu hanto ciyaarta, waxayna daqiiqadii 16-aad
ee gelinka dambe gaarkii goolkii goolhaye CABDALLA oo wax badan
ka badbaadiyay Dahabshiil inay khasaaro xoogan kala hoyato
maalintaa.

 
Gool iyo Eber ayay kusoo gabagabowday ciyaarta Baydhabo iyo
Dahabshiil, haseyeeshee waxaa xusid mudan maamulka ururka
kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah oo ku dadaalay
sidii uu wanaag ugu qabsoomi lahaa tartanka Horyaalka.

Waxaa diyaariyey:
Maxamuud Sh. Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.