Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose looga dhawaaqay doraad markale Madaxweynihii shanaad ee ay yeeshaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana lagu magacaabaa Madaxweynaha cusub ee halkaasi looga dhawaaqay Cabdi Baali Xuseen, kaas oo sheegay in maamulkiisa lagu magacaabo Juba Vally State {Jubba Faali State}.
Madaxweyne Cabdi Baali Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka lagu doortay uu Kismaayo muddo ka badan 7-bilood uga socday ergo ka badan 700-xubnood, kuwaas oo uu sheegay in ugu dambeyntii u doortay isaga sida uu yiri inuu Madaxweyne u noqdo maamulka Juba Vally State {Jubba Faali State}, wuxuuna intaasi ku daray inuu si cadaalad ah ugu shaqeyn doono dadka uu Madaxweynaha u yahay.
Madaxweyne Baali waxa uu sheegay in isagu uu si dhab ah u matalo dadka deegaanka oo aanu aheyn qof iska sheeganaya wax uusan aheyn, isla markaasna inta badan dadka deegaanada goboladaasi ay isaga u arkeen sida uu yiri nin maanta ka saarikara dadweynaha goboladaasi xaaladdii adkeyd ee ay soo mareen goboladaasi oo ka mid ah gobolada colaadaha ugu tirada badani ay ka dheceen mudadaii burburka, isagoo xusay in hadda ay dadweynaha goboladaasi go’aansadeen inay iyagu aayahaooda ka taliyaan oo ay doortaan qofkii ay rabaan sida uu yiri.
“Waxaa naga go’an aniga iyo maamukeygu inaanu si dhab ah ugu istaagno horumarinta goboladaasi iyo inay soo gaaraan gobolada kale ee Soomaaliya, waayo ayuu yiri gobaladani waxaa la degay colaado soo noqnoqday, waxaanse hubaa ayuu yiri haddii ay hadda u istaagaan dadka u dhashay horumarinta goboladooda oo ay maamulkeyga la shaqeeyaan inay si dhaqso ah u soo gaarayaan gobolada kale ee maamuladu ka jiraan, waayo waa gobolo qani ku ah dhinac kasta, balse ay dib u dhigeen duruufihii ka jiray dalka mudaddii uu burburka ku jiray,
wuxuuna intaasi ku daray in laga daayo dadka goboladan faragelin uu sheegay inay kaga imaaneyso dad ka yimid gobolo kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya” ayuu yiri Madxweyne Cabdi Baali Xuseen oo intaasi ku daray “Mid hala ogaado goboladani iyo Beelaha degan way qoranyihiin meelkastana waa laga ogyahay, dadka is leh ciddi kuma oga ee waxaad doonto sheego iyadoo la ogyahay gobolada uu ka soo jeedo oo dadkiisu degan yahay, way ku khasaari doonaan sheegashadaasi, Soomaaliyana ma aha mid maanta dhalatay, beeluhuna way is yaqaanaan”.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.