In ka badan 1,000 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay falal Burcad badeednimo ayaa ku xiran xabsiyada caalamka qaar ka mid ah,iyadoo wadanka Jaziirada ku yaala ee Siishalis uu ka mid yahay wadamada ay ku jiraan xabsiyadooda Burcad badeeda Soomaalida.
Xabsiyada ay ku jiraan raga burcad badeeda ku eedeysan ayaa ku yaala buuraha hoostooda,halkaasi oo la sheegay in dhaqancelin loogu sameynayo.
Warbixin ay ka diyaarisay BBC-da ayaa lagu sheegay in dhalinyaradaan falalka burcad badeednimada lagu soo eedeeyay ay yihiin kuwo ku nool nolol wanaagsan oo wax walba ay ugu dhan yihiin xerada ay ku jiraan oo ku yaalo meelo banaanka ka ah Magaalada.
Xabsiyada ay ku xiran yihiin burcad badeeda Soomaalida ee ku yaala dalka Shiishalis ayaa waxaa maalgiliyay Qaramada Midoobay,iyadoo ugu tala gashay in lagu dhaqan celiyo dhalinta u bareertay Qatarta badda,islamarkaana qafaalanaya maraakiibta shisheeye.
66-Qof oo ku jira xabsiyada qarsoon ee dalka Sychelles ayaa la tilmaamayaa inay sugayaan Saarista Maxkamad ku aadan Eedeyntooda Burcad badeednimo,iyadoo sidoo kale lagu Muran san yahay in dib loogu soo celiyo dalkooda si loogu Maxkamadeeyo iyo in halkaasi lagu Maxkamadeeyo.
Dadkaan ku xiran xabsiyada qarsoon ee dalkaasi ayaa isku dayaya sida la sheegay inay afduubtaan Maraakiib shixnado kala duwan siday oo marayay marin biyoodka Mashquulka badan ee Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sidoo kale waxay intaasi ku dareysaa in dhalinta waxbarasho ay ku haystan gudaha xabsiyada ay ku jiraan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.