Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose wararka ay shabakadda aarannews.com ka helayso ayaa waxay sheegayaan in magaalada Kismaayo laga dareemayo xaalad colaadeed iyo isku hub uruursi, sidoo kalena magaalada ay ka bilowdeen barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka rayidka ah oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo, kuwaas oo si kmg ah u degaya banaanka magaalada Kismaayo oo ay is leeyihiin waad ku badbaadi kartaan.
Xalay ayaa waxaa gudaha magaalada Kismaayo gaaray ciidamo ka badan 300-askari iyo gaadiid dagaal oo ay wataan, kuwaas oo la sheegay inay ka tageen gobolka Gedo, waxayna daacad u yihiin sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaya Col. Barre Aadan Shire {Barre Hiiraale} oo sheeganaya inuu yahay Madaxweynaha saxda ah ee Jubbooyinka.
Sida warku sheegayo ciidamadan oo watay ku dhawaad 13-gaari oo tikniko ah ayaa waxay ka koobnaayeen 290-askari, waxayna si toos ah ugu biireen sida la sheegay ciidamada uu magaalada Kismaayo ku heysto Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo maalmahan dambe isku aruursanayey gudaha magaalada Kismaayo.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa ciidamadan gaaray Kismaayo ayaa waxay wateen gawaari ay saaranyihiin qoryaha Dhashiikaha, Jiibka iyo Shilkayaal, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen gobolka Gedo, halkaas oo uu ka soo jeedo Col. Barre Aadan Shire {Barre Hiiraale} oo hadda aaminsan sida uu sheeganayo inuu yahay Madaxweynaha saxda ah ee maamulka Jubblaland la magacbaxay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.