Askari ka tirsan Dowladda oo qof shacab ah ku dilay Xawaadley G/Shabeelada Dhexe.
Wararka ka imaanayo deegaanka Xaawaadley ee degmadda Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaa askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya uu ku dilay mid kamid ah dadka deegaanka Xawaadley.
Goobjooge ku sugan deegaanka Xawaadley ayaa Shabakada Jiinwabi.net waxa uu u sheegay in ruuxa la dilay uu ahaa beeraley uuna dilay askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaliya ee ku sugan deegaakaas, waxaana uu shegay in risaas uu ku furay askirigu ninka beeraleyda ahaa aysababtay in uu u geeriyoodo.
Haweeney sheegtay in ay tahay xaaska ninka la dilay ayaa idaacada Mustaqbal waxaa ay shegtay in ciidamo ka tirsan dowladda Somaliya ay dileen ninka, waxaana ay sheegtay in aysan la ogeeyn ujeedka loo dilay ninkan beeraleyda ahaa.
Dilkaan ayaa waxaanan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee deegaanka xawaadley oo ku aadan dilka, waxaana ilaa hada aan la ogaan Karin ujeedka ka dambeeya dilka ruuxaas beera leyda ah lagula kacay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.