Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo codsiyo iyo digniino kala duwan loo gudbiyey, lagana dalbaday inay joojiyaan mooshinka ay ka wadaan

xeydar May 14, 2013 Comments Off
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo codsiyo iyo digniino kala duwan loo gudbiyey, lagana dalbaday inay joojiyaan mooshinka ay ka wadaan

 

Iyadoo maalmihii tagay si weyn looga hadalhayey magaalada Muqdisho mooshin la sheegay inuu ka dhanyahay Ra’isul wasaare Saacid iyo Xukuumaddiisa kaass oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa arrinkaasi si weyn uga soo horjeestay odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayid ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas aoo ku baaqay inaan dalka loo horseedin khalalaase siyaasadeed iyo burbur ku yimaada Xukumaadda Soomaaliya, kaas oo horseedi kara in dalku uu galo xaalad jahwareer ah sida ay yiraahdeen, xubnahani waxay kaloo sheegeen inaan la hor istaagin howlo ay muhiim ku sheegeen oo ay xukuumadda Soomaaliya hadda waddo si dalku uga gudbo xaaladdii burburka aheyd ee uu soo maray.

“Annagu waxaan ku talineynaa inaan waqtigan xasaasiga ah aan xukuumadda mooshin laga keenin, khilaaf iyo fidno horlehna aan dalka laga abuurin” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Muqdisho oo ka digay in wax mooshin ah laga keeno Xukuumadda Saacid.

Sida warku sheegayo dhowrkii maalmood ee ina dhaaftay waxaa soo xoogeysanayey mooshin la sheegay inay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay shirar gaargaar ah iyo xodxodasho badan ay wadaan Baarlamaanka gudihiisa, kaas oo lagu xoojinayo mooshinka.

Sida ay sheegayaan warar aan si rasmi ah loo xaqiijin kuwaas oo ku saabsan mooshinkan ayaa waxay sheegayaan Xildhibaano badan ay saxiixeen mooshinkaasi, taas oo awood u siineysa inay Guddoonka Baarlamaanka horgeeyaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda cusub, waxaana qaar ka mid ah hotelada Muqdisho ka socda shirar looga arrinsanayo mooshinkaasi, iyadoo qaar sheegayaan inuu barbar socdo mooshin kale oo ka dhan ah xubnaha sarsare ee dowladda Soomaaliya.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in habeen iyo maalin hotelada ay ka socdaan shirar ku saabsan arrintan, isla markaasna ay barbar socoto balan qaadyo Xildhibaanada loo sameynayo, laguna soo jiidanayo, ololahan ka dhanka ah Xukuumadda ayaa waxaa horboodaya Xildhibaano ku caanbaxay abaabulka barnaamijyada mooshinada, waxaana arrintan ay noqotay durba hadal heynta ugu badan ee ka taagan magaalada Muqdisho, inkastoo illaa iyo hadda uusan jirin wax mooshin rasmi ah oo loo gudbiyey Guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Hadalka ka soo yeeray odayaasha Muqdisho ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo doraad ay si kala goonigooni ah u soo saareen maamulada Puntland iyo Galmudug war ay uga digayaan in wax mooshin ah laga keeno Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, isla markaasna aan wax khilaaf ah laga dhex abuurin dowladda dhexdeeda, wuxuuna mooshinkan la wado ee qorshihiisa yahay in lagu rido Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’isul wasaaraha uu ku soo beegmeysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay soo baxeen warar sheegayey inay socdaan qorshayaal la doonayey in isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha wasiirada, isla markaana la kordhiyo tirada wasiirada oo la gaarsiinayo 18-wasiir sidii ay horay u ahaayeen jireen.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.