Wasiirka horumarinta adeegga bulshada oo sheegtay in maalmaha soo socda uu bilaaban doono talaalka cudurka dabeysha

xeydar May 14, 2013 Comments Off
Wasiirka horumarinta adeegga bulshada oo sheegtay in maalmaha soo socda uu bilaaban doono talaalka cudurka dabeysha

Wasaaradda adeega bulshada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in maalmaha soo sacda uu magaalada Muqdisho ka bilaabanayo talaalka cudurka dabeysha iyadoo kulan looga hadlayo qaabka loo hirgelinkaro uu maanta dhexmaray wakiilka hay’adda caafimaadka aduunka ee Soomaliya iyo mas’uuliyiinta wasaaradaasi.

 

Kulanka ay yesheen wasiirka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan hay’adda Caafimaadka ee WHO ayaa waxaa looga hadlay sidii loo hormarin lahaa talaalada cudurada dilaaga ah ee ku dhaco carruurta Soomaaliyeed iyo sidii xafiiska WHO loogu soo rari lahaa Muqdisho.

 

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada Maryan Qaasim waxa ayna sheegtay in kulanka uu salka ku hayay dardar galinta talaalka cudurada ku dhaco carruurta ay dadoodu ka yartahay shanta sano kaas oo mararka qaar keeno in ay u dhintaan carruurta.

 

Waxa ayna intaasi ku dartay in cudurka dabeysha laga heley gabar yar oo jirto laba sano iyo bar oo ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo intaasi raacisayin maanta uu si rasi ah u Muqdisho ugu bilaawday talaalka carruurta.

 

Wasaaradda adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto dabar jarka cudurada ku dhaca carruurta kaas oo mararka qaar keento dhimashada carruur badan.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.