AL-SHABAAB OO SHEEGTAY IN 3000-KUN KA BADAN ASKAR AMISOM AY SOOMAALIYA KU DILEEN

xeydar May 14, 2013 Comments Off
AL-SHABAAB OO SHEEGTAY IN 3000-KUN KA BADAN ASKAR AMISOM AY SOOMAALIYA KU DILEEN

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in tirada ciidamada AMISOM ay kaga dileen gudaha dalka Soomaliya ay ka badan yihiin 3000-kun oo askari xilli dhawaan Qaramada Midoobay ay shaacisay tirada ciidanka looga dilay AMISOM Soomaaliya.

 

Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalka fool-ka foolka ah xilligii ay ka wadeen Magaalada Muqdisho inay ku dileen in ka badan 3000-kun oo askari.

 

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ciidankooda ay laayeen sida uu yiri ciidamo ka badan inta dhawaan ay shaacisay Qaramada midoobay ee tirada 3000-kun ah.

 

C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay shaacinta tirada ciidanka AMISOM looga dilay dalka Soomaaliya ee 3000-kun ah ay xaqiijinayso dhibaatada ciidanka AMISOM dalka Soomaaliya kasoo gaartay oo uu sheegay inay dabooli jireen markii hore ama ay dafari jireen sida uu yiri.

 

Dhawaan masuul ka tirsan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in ciidanka AMISOM gudaha dalka Soomaaliya looga dilay ciidamo gaaraya 3000-kun oo askari tan iyo wixii ka dambeeyay imaatinkoooda dalka Soomaaliya.

 

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.