Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdigiisa oo Dib ugu soo Laabtay dalka

xeydar May 12, 2013 Comments Off
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdigiisa oo Dib ugu soo Laabtay dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Casir Liiqii Maanta dalka Dib ugu soo Laabtay.

 

Madax iyo Masuuliyiin Sar Sare oo Ka mid ah dowladda Federaalka Soomaaliya sida Ra’isal Wasaare Saacid iyo Xubno Ka Tirsan Golihiisa Wasiirada,Guddoomiyaha Baarlamaanka, qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka , Saraakiisha Ciidamada Xoogga, Booliska , Nabad Sugid iyo Haween Ka yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha oo Warbaahinta Kula hadlay Gudaha Garoonka Aadan Cadde Air-Port ayaa Ka Warbixiyay Safarkiisa iyo Shirkii 7 May ka dhacay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska kaasoo Looga hadlayay Masiirka Soomaaliya isagoo Sheegay in uu Guul Ku soo Idlaaday.

 

Mudane Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Tilmaamay in shirkaasi Muhiimaddiisa ay ahayd in dowladda Soomaaliya ay Ku soo Bandhigto Barnaamijyadeeda Isagoona Carabka ku dhuftay in Beesha Caalamka ay aqbashay qorshooyinkii ay u Bandhigtay Dowladda Soomaaliya.

 

Geesta Kale Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ayaa Sheegay in Beesha Caalamka ay Taageero u Muujisay dowladda Soomaaliya islamarkaana dhaqaalo Fara badan ay U Ballan qaaday dowladda Sidaa darteedna Shacabka Soomaaliyeed in Laga doonayo in ay Ka Faa’ideystaan Guushaas u soo Hoyatay Shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu Hoosta Ka Xariiqay in ay tahay Markii Ugu Horeysay oo dowladda Soomaaliya si toos ah Qorshaheeda ugu Gudbiso Beesha Caalamka.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.