BEELO ISAGA BAXAY SHIRKA KISMAAYO OO KA DIGAY IN UU FASHIL KU YIMAADO GEEDI SOCODKA JUBBALAND

xeydar May 12, 2013 Comments Off
BEELO ISAGA BAXAY SHIRKA KISMAAYO OO KA DIGAY IN UU FASHIL KU YIMAADO GEEDI SOCODKA JUBBALAND

Xilli guddiga farsamada shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ay sheegeen in todobaadkaan gudihiisa ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulka Jubbaland ayaa qaar kamid ah odayaashii ka baxay shirka Kismaayo waxa ay sheegeen inay ka digayaan dhibaato ka dhalata Magaalada Kismaayo.

C/nuur Maxamed oo kamid ah odayaashii ka baxay shirka ayaa sheegay in ergada la xereeyay oo la sheegay inay soo dooranayaan madaxweynaha maamulka Jubbaland loo baahan yahay in si siman loo wadaago oo sharci ahaan la waafajiyo hadii aan la waafajina uu tilmaamay inay dhibaato ka dhalan karto.
Wuxuu sheegay inay jiraan musuq maasuq ku aadan sida loo xulay ergada iyo sidoo kale habka awoodaha loogu kala qeybiyay,wuxuuse sheegay inay wanaagsan tahay in wax waliba nidaamka loo maro.

C/nuur Maxamed ayaa ka digay dhibaato ka dhalata Magaalada Kismaayo iyo in la isugu gacan qaado gudaha Magaalada Kismaayo.

Shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maalmahan dambe wajahaya dhibaatooyin kala duwan kadib markii odayaal badan ay isaga baxeen shirkaasi.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.