Hay’adda UN-OCHA oo isku dubaridka gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in daad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Koonfurta Soomaaliya ay dileen todoba caruur ah, 50,000 oo kalena ku qasbay inay guryahooda ka barakaac, sidoo kalena ay baabi’iyeen daadadkaas 6,400 oo hektar oo dhul-beereed ah.
Madaxa warfaafinta OCHA ee Soomaaliya Roberta Russo ayaa sheegtay in daadadkan oo ka dhashay roobabka xilligan guga ay saameyn xooggan ku yeesheen degmooyinka, Baydhabo, Jowhar, Miido iyo gobolka Shabeellada Hoose oo dhammaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Warbixinta aan heyno waxay sheegaysaa in toddoba caruur ah ay dhinteen 50,000 oo kalena ay guryahooda ka barakaceen, kadib roobab xooggan oo ka da’ay Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo bilowday Maarsadii lasoo dhaafay”.
Mss. Russo waxay intaas ku dartay in kumannaan qof oo Soomaali ah ay guryo la’aan noqdeen kadib markii ay guryahoodii burburiyeen biyaha xooggan ee ka dhashay roobabka, dadkaas oo ku noolaa deegaanno ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna tiri markale “Dadkan ma aysan helin wax gargaar ah oo looga raray deegaannadii ay ku qabsadeen daadadku, iyadoo biyuhu ay gaareen heer aad uga sareeya dhulka”.
Hay’addu waxay warkeeda ku dartay in daadadkan qaarkood ay ahaayeen kuwo ka yimid dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla Itoobiya, kuwaasoo ay soo qaadeen warbiyada Shabeelle iyo Jubba ee gobolada Koonfurta Soomaaliya ku yaala, “Webiyada Shabeelle iyo Jubba weli waxaa kusoo qulqulaya biyo badan oo ka dhashay roobabka xilliga gu,ga. Daadadka iyo fatahaadaha webiyadan waxay dhibaato u geysteen dhul beereed ballaaran, dad badanna deegaannadoodii ayay ka barakiciyeen” ayey Russo hadalkeeda ku dartay.
Arrintan wanaagsan ee in la maqlo loo baahan yahay waa inaan doonayno in aan gaarno goobaha ay daadku waxyeelada ka geysteen, si aan dadka ay roobabku dhibaatooyinka u geysteen u siinno biyo wanaagsan si aanay uga dillaacin deegaannadaas cudurka kala duwan” ayey Russo hadalkeesa kusoo koobtay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.