MIDOWGA YURUB OO UGANDA KU AMAANAY CAAWINAADA SOOMAALIYA

xeydar May 11, 2013 Comments Off
MIDOWGA YURUB OO UGANDA KU AMAANAY CAAWINAADA SOOMAALIYA

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dalka Uganda Roberto Ridolfi,oo kulan saacado qaatay la qaatay Madax katirsan dowlada Uganda uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni,ayaa ku amaanay Xukuumada Kampala garab istaaga Soomaaliya iyo dagaalada ciidamadooda ay kula jiraan Ururka Al-shabaab.
Roberto Ridolfi,wuxuu tilmaamay in Madaxda Uganda dhiiga wiilashooda ay u hureen shacabka Soomaaliyeed,isagoona bogaadiyay qaabka ciidamada Uganda ay kula mideysan yihiin ciidamada kale ee AMISOM kaga howgala Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa diblumaasiyiin Midowga Yurub ka tirsan,waxaana dhamaan Mas’uuliyiintii madasha shirka ka jeedisay Uganda ku amaaneen sida wacan ay u kaalmeeyeen shacabka iyo Xukuumada Soomaaliya.

 

“Waxaan Uganda ugu Hanbalyeynayaa guulaha la taaban karo ee ciidamadooda ay ka soo hooyiyeen dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab,waxayna qeyb ka qaateen dib u soo celinta Bilicda Muqdisho Nabad iyo dib u dhis intaba,”ayuu Yiri Roberto Ridolfi.

 

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan dalka Uganda Roberto Ridolfi,ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Midowga Yurub uu garab taagan yahay dowlada Uganda,islamarkaana ay ku tixgilineyso dadaaladooda ay ka wadaan Soomaaliya.

 

Dhanka kale Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni,ayaa Madasha ka sheegay inaysan ka seexan doonin caawinta Soomaalida horumarka dooneysa,isagoona balan qaaday in hadii lagu taageero uu kordhin doono taageerada uu siinayo shacabka Soomaaliyeed.

 

Yoweri Museveni,ayaa adkeeyay in mar waliba ay garab taagan yihiin Soomaaliya,islamarkaana ciidamadiisa ay sii kordhin doonaan dadaalada ay ku jiraan Al-shabaab,isagoona codsi u diray Qaramada Midoobay oo ah in la maalgiliyo.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.