Dhoorkii sitimaan ee ugu danbeeyay magaallada Muqdisho waxa ay ku
sugneyd xaallad aan hore loogu baran oo ka duwan tii caadiga aheyd ee
ay ummadda isku dhex socon jireen, xaallada cusub waxaa ka mid ah in
gabi ahaanba Shacabka caadiga ah laga xiro waddooyinka oo ay si dhib
ah ku maraan.
Saameynta ugu balaaran arintan ayaa waxa ay ku yeellatay
Ardayda,Shaqaallaha rayidka,Dadka garab raratadda ah, IWM, cabasho aad
u badan oo ay shacabka ka muujiyeen arintan ayaa waxaa dhacday in uu
amar kasoo baxay Madaxweynaha Somalia mudane Hassan Sheikh lagu furay
wadooyinka.
Jawiga ayaa caadi kusoo laabtay isku socodkii Shacabka ayaa tar
tartiib u bilowday iyagoo si aad ah ugu faraxsan inloo furo
waddooyinka, balse maalintii la furay maalintii xigtay 5/5/2013 maalin
Axad ah ayaa waxaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo soo buuxiyay lala
beegsaday gaari uu lahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane C/kariin
Xuseen Guled oo marayay agagaarka KM4 dhanka danbe ee shineemo
EKWATOORE laakiin uusan isaga saarneeyn oo wafdi ka socday sida la
sheegay Dowladda QATAR ay saarnaayeen gaarigiisi iyagana aysan wax ku
noqon laakiin Qaraxa uu baabi’iyay dad shacab ah & kuwo ganacsi yar
yar ku lahaa meesha qaraxa ka dhacay aga gaarkeed oo u badan haween,
tirada dhimashada la xaqiijiyana waxa ay aheyd 13 (sadex iyo toban) in
kabad 22 (laba iyo laabatan) dhaawac oo dhamaantood wada rayid ahaa.
Intasi ka dib dowladdii ayaa afka furay oo sheegtay intaas iyo in ka
badan ay maalmahihi wadooyinka la xiray ay iyada cel celinaysay oo
wadooyinka xernaashadooda ay tahay Muhiim oo amniga lagu sugi karo.
Maalintaas wixii ka danbeeyay amar culus ayaa soo baxay iyadoo uu shir
Jaraaid saxaafadda isugu yeeray taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda
Taraafikada Mudane Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) kaasoo uu ku sheegay
in B/buurta Blka iyo kuwa yar yare ee raaxada aysan isku jid mari kari
tasoo uu ugu dan lahaa bad baadinta shacabka oo wax yeeladda si ay u
yaraato, meeelaha laga mamnuucay marista Gawarida Blka ah waxaa ka mid
wadada MAKA AL MUKARAMA ee ah Wadada dheer ee aada madax tooyada,
Sayidka, Hooyooyinka, Xamar Weyne, wadadaasi ayaa aheyd wadada ugu
isticmaalka badan B/baaburta Blka taasoo ay si aad ah shacabka u
isticmaali jireen maalinkasta iyo xili kastaba waayo faras magaallaha
waxaana ka furan goobo ganacsi oo aad u tiro badan.
Run ahaantii waa waajib ka saran dowlada in ay sugto Amniga Shacabka
ayna yareeso dhibaatadda soo gaareysa shacabka ama ayba hakiso hadii
ay awooddo, balse anigu qaab kan umma arkoamni sugid ee waa UMMAD
SILCIN, sababta aan u leeyahayna waxa ay tahay anigoon la ii arag
mucaarad dowllada qoraal ku karbaashaya dhibka haatan haysta shacab oo
si aad ah isu sii taraya maalinkasta waayo wadooyinka la xir xiray
badankood oo shacabka laga mamnuucay maristeedii ayaa ah kuwa aysan ka
maarmin maxaa yeellay dadku dhamaantii Gaari qaas ah ma haystaan oo
wadooyinkaasina maristoda lagama maarmo sababtoo ah dad ayaa qaraab u
doonto ama sida kale hadaan u iraahdo ganacsi waaweyn ayaa ku yaallo
oo dad badan ka xamaashto.
Siyaabo badan ayaa amaanka loo sugi karaa runtii isma lihi wadada
xiraanshaheedda ayaa lagu sugi karaa kaliya amni caallamka waa ka
dhacaa falal shil ah waana laga hortagaa Amnina waa la sugaa balse
ummadda wadooyinka lagama xiro.
Waxaana jirta maalmahan sida aan anigaba soo xaqiijiyay in ay
yaraadeen ganacsiyaddii goobahasi waayo isu socodka shacabka ayaa ku
yaraaday waana sidaasi oo sababta keentay in ganacsiga xayirmo waxaa
arkaysaa goobihii ganacsi ee aga gaarkaasi ku yaallay oo dadkii
gadayay banaanka iska fadhiyaan oo iska Hamaansanaya( HALAAQONAYA),
teeedda kale Maqaayaddihi waaweynaa oo Cuntooyinka laga cuni jiray
maalmahan xaafadaha ayey u qaadaan raashiinka waayo wax soo gallo oo
cunteeyo maleh 1 iyo 2 maayaane oo gari ku socda.
Waxaan tusaalle ahaan kuu siin karaa aqristoo ninka degan Degmadda
wadajir Xafada b/xuubey haduu kasoo baxo xaafadiisa isagoo rayid ah,
ama arday haduu damco inuu aado sayidka ama aga gaarka Hotel Weheliye
waa ku dhib waayo gaari shacab BL oo si toos ah halkaasi uma mari karo
ma jiro.
Mida ugu sii daran waxa ay tahay oo aan la yaabay hadii aad wadada
socoto oo aad aragto gaari yar oo aad gacanta u taagto kuuma istaagayo
arday ahoow ama qof caadi ahooow waayo waa uu kaa shakinayaa, xitaa
adiga ma damceyso inaad gacanta u taagato gaari cad qof kaliya wato
waayo adigaba waad garan kartaa sabata!!! ……..
Ummadiiyoo dhan kala fiig ayaa ku dhacay oo waxaa arkaysaa check
poin-iyo waaweyn oo magallada laga sameeyay kuwaasoo hadba gaarigii
socda istaajita oo waydiiya ID CARD ama aqoonsi dowladeed hadii aad u
yeerto adigoon wadanin oo aad tirahdo Mudane Ciyaalka xaafda ayaan
ahay oo aad u dhoola cadeeso waa iska gudbeysaa hadii aad waji macbuus
iska dhigtana waad iska laabanaysaa.
Guntii iyo gunaanadkii waxaan ka rajeynaynaa Dowladda in ay furto
Wadooyiinka si dadweynaha sixur ah u maraan waddooyinka ganacsiyadiina
dib ugu soo laabtaan.
W/D Asad Abukar Cali (Asad Dhayow)
Mogadishu – Somalia
e-mail asaddhayow@gmail.com
+252615507981
+252695981000
Comments are closed.