SYL iyo AZUURA oo u gudbay Semi-Finalka tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD

xeydar May 11, 2013 Comments Off
SYL iyo AZUURA oo u gudbay Semi-Finalka tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD

SYL iyo AZUURA oo u soo gudbay SEMI-FINEL ka ciyaaraha Koobka Suleymaan Colaad Rooble.

Naadiyada SYL iyo AZUURA ayaa u soo gudbay Semi-Finelka tartanka koobka Marxuum Suleymaan Colaad Rooble, kadib markii ay kasoo badiyeen naadiyada LLPP iyo WAABERI-ONE.
Ciyaar aad iyo aad u wanaagsan ayaa galabnimadii Jimcaha ku dhexmartay garoonka Sharafiyah kooxaha AZUURA iyo WAABERI-ONE, kuwaasi oo ku soo bandhigay xirfado iyo xeelado cusub oo dadkii taageerayaasha ahaa soo jiitay.
Kooxda Azuura ayaa dardar xoogan kusoo gashay garoonka iyadoo gool ku boobsatay kooxda Waaberi oo aad mooday inay goolkaasi ka niyad jabeen, waxayna ahaayeen kuwo la saarnaa labada gelin ee ciyaarta iyadoo ay ka badbaadeen guuldaro foolxun, hadii uusan goolhayahooda eheyn mid feejigan.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayay kooxda AZUURA ku ciyaaraysay 10 Laacib, kadib markii mid kamida Cayaaryahanadooda uu laad ula kac ah kula dhaqaaqay mid kamida difaaca kooxda WAABERI-ONE, taasi oo dhalisay inuu qaato calaamada Guduudan, haseyeeshe kooxda WAABERI ayaa ka faa’ideysan weysay fursadaasi, waxayna ciyaarta kusoo gabagabowday Gool iyo Eber oo ay guusha ku raacday kooxda AZUURA.
Ciyaartii labaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha SYL iyo LLPP, iyadoo ay labada kooxood ka dhexeeyeen loolan gaara, hadana waxaa ku gacan sareeyay ciyaarta kooxda SYL oo ugu awood sheegatay kooxda LLPP 2 Gool iyo waxba.

Comments are closed.