Shir la mid ah shirkii London oo dowladda Soomaaliya loogu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, loogana hadlayo arrimo ay ka mid yihiin…

xeydar May 11, 2013 Comments Off
Shir la mid ah shirkii London oo dowladda Soomaaliya loogu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, loogana hadlayo arrimo ay ka mid yihiin…

Xukuumadda Nairobi ayaa shaacisay in ay qorsheynayso marti galinta shir la mid ah kii lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska ee looga hadlayey dib u dhiska Soomaaliya iyo taageera siinta dowladda Federalka ah,
Shirka Kenya ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa arrimaha dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ka soo kabsanaya 22-sano, ka dib dagaalo iyo fowdo uu dalka ku soo jiray mudadaasi,Waxaana sidoo kale ka soo qeybgali doona shirka hay’addo caalami ah oo laga rajeynayo in ay taageero ugu yaboohaan dalka dhibaatooyinku ay ka dhacaan.
Shirkan ayaa la filayaa in uu ka dhaco dalka Kenya inta u dhaxeysa 28- ilaa iyo 29-ka Bishan May,waxaana la sheegay in Shirkan lagu marti qaadayaa Ganacsato iyo shirkado waa weyn kuwaasi oo laga doonayo in ay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya oo muddo kabadan 22-sano dagaallo sokeeye iyo colaado ku soo jiray.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlay shirkaasi ay qaban doonaan ayaa sheegay in si gaar ah diiradda loogu saari-doono arrimaha dib u dhiska, ammaanka iyo sidii qaxootiga Soomaaliyeed dib u dejin dalkooda gudahooda loogu sameyn lahaa, wuxuuna intaasi ku daray in shirkaasi ay ka soo qeybgeli doonaan hay’ado dhinaca ammaanka qaabilsan oo ajnabi iyo Soomaali isugu jira sida uu yiri.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.