Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in hay’ado ka badan 924 oo ajnabi ah ay dalka si sharci darro ah ku joogan

xeydar May 11, 2013 Comments Off
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in hay’ado ka badan 924 oo ajnabi ah ay dalka si sharci darro ah ku joogan

Golaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa khamiistii Muqdisho ku yeeshay kulankooda caadiga ahaa uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kaas oo looga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii Londan, Hay’ada Maareynta Masiibooyinka, Shaqalaha Ajaanibta ah ee dalka uga shaqeeya sharci darada, iyo qaxootiga ku sugan dalka Yeman, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka war bixiyey shirkii London ka dhacay, isagoo sheegay in ay ka soo baxeen guulo waaweyn, hogaankiisana ay iska lahayd dawladda Soomaaliya.

 

“Shirka London waxa uu ahaa mid taariikhi ah, dawladda Soomaaliya ayaa diyaarisay qodobada looga hadlayey soona bandhigtay sida ay u kala mudan yihiin baahideedu. Waxaa nasiib wanaag ahayd in Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo hada ah gudoomiyaha wadamadda laysku yiraahdo G8 uu la shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Ra’isul wasaare Saacid oo intaa raaciysy in natiijadii ka soo baxday Shirka London dib loogu soo celinayo golaha Xukuumadda.

 

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ka dooday Shaqaalaha ajnabiga ah ee wadanka ku sugan, kuwaas oo si sharci daro ah dalka ugu shaqeeya, iyagoona ku dhex milmay shaqaalaha AU/AMISOM, waxaana lagu yiri “Tirada Shaqaalahaas waxay gaarayaan 924 oo aan haysan wax sharciyad ah, hadii ay ahaan lahayd mid ganacsi oo ay bixisay Wasaaradda Ganacsiga iyo iy mid shaqaalanimo oo ay bixisay wasaarada Arimha gudaha laanteeda soocdaalka. Sidaas daraadeed goluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo gudi afar wasiir ah si ay u soo baaraan una soo gudbiyaan warbixin ku saabsan sidii dadkaas laga yeeli lahaa sharci darada uga shaqeeya dalka” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumadda soo saartay.

 

Ugu danbeyntii wuxuu golaha wasiirada ay ka hadleen dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yeman, kuwaas oo isugu jira qaxooti ka diwaan gashan hay’ada UNHCR, iyo dad ku dhibaataysan dalka gudihiisa, waxayna goluhu isku raaceen in la magacaabo gudi ka kooban afar wasiir iyo xeeldheerayaal aqoon u leh dalka Yeman oo ka soo tala bixiya sidii dadkaas qaxootinimada aan ku joogin dalka Yeman dalka dib loogu soo celin lahaa iyo in la furo santuuq sadaqo ah oo ay dawladdu lacagta ugu horaysa ku shubayso dadka Soomaalyeedna ay ka qayb qaadan karaan si dadka raba inay dalkooda ku soo noqdaan loogu caawiyo.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.