Wararka laga helayo Caawa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo aad u hubeysan ay la wareegeen gacan ku haynta Dekedda iyo Bangiga Boosaaso,iyadoo xaaladuna ay tahay mid kacsan.
Qaar ka tirsan dadka Deegaanka ayaa u sheegay Jiinwabi.net (JWN) in Ciidamada Daraawiishta ee Deegaanka Sugure ee Duleedka Boosaaso ay sidoo kale la Wareegeen Kantaroolka laga galo magaalada,waxayna Joojiyeen gebi ahaanba Isu socodka Gaadiidka soo galaya Magaaladda iyo kuwa ka baxaya.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Daraawiishta oo wata Gaadiid dagaal ay xireen wadada gasha Dekeda weyn ee Boosaaso,waxaana ay sidoo kale xiyireen Isu soocdka Gaadiidka ka shaqeeya gudaha Dekedda.
Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Jiinwabi.net (JWN) u sheegay in Bangiga weyn ee Boosaaso uu kamid ah goobaha kale ee ay Ciidamadu galabta ay la wareegeen.
Cabasi xoogan ay lasoo deristay dadka Shacabka ah ee degan agagaarka Bangiga,waxaana laga Cabsi qabaa in Iska hor imaad ka dhex dhaco ilaalada Bangiga iyo Ciidamada Gadoodsan ee Puntland.
Arrimahan ayaa waxa ay ka danbeeyeen kadib markii Ciidamada oo difaac kaga jiray deegaanka Sugure ee duleedka Boosaaso laga gooyey 30% lacagaha ay Mushaar ahaan u qaadan jireen,iyagoona bishii Mushaar u qaata laba Milyan oo Shilin Somali ah,waana tan keentay iney ka gadoodaan Lacagaha laga jaray iyo bilaha ka maqan oo ay jareen Mas’uuliyiinta Puntland.
Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena danbe Insha Allah!
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.