Kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar kamid ah odayaashii soo xulay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay kaga digeen mooshin qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Xukuumadda Soomaaliya oo ka dhalatay magacaabista talisyada Nabadsugida iyo Booliiska.
Kulanka ayaa intii uu soconaye waxaa ka hadlay qaar kamid ah odayaashii kasoo qeybgalay oo ku dheeraaday sida looga wanaagsan yahay in xilligan xubnaha Baarlamaanka ay bilaabaan qorshe lagu carqaladaynayo Xukuumadda.
Suldaan C/casiis Cumar Bayle oo kamid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in arintani oo ka dhalatay magacaabista Saraakiisha Booliiska iyo Nabadsugida ay tahay mid aan xiriir la laheyn nidaamka awood qeybsiga sidaasi dareedeedna Xildhibaanada looga baahan yahay inay u istaagaan horumarka dalka balse aaney ku mashquulin magacaabista hogaanka dhanka ciidanka.
Suldaan Cali Suldaan Axmed ayaa dhankiisa sheegay in arinta magacaabista Saraakiisha ciidanka ay tahay mid ka timid dhanka madaxda oo sharci ah cid kalena aysan faragashan Karin.
Ugu dambeyn ayaa odayaasha shirka waxa ay ku taageereen shirka London qodobadii shalay kasoo baxay oo ay ku tilmaameen mid wax badan kusoo kordhin kara xaalada dalka Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.