Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan London ayaa u sheegay Wargeys ka soo baxa London oo lagu magacaabo Financial Times inay u baahantahay Soomaaliya qorshe la mid ah kii dib loogu habeeyay yurub ee Marshall Plan-ka loo yaqaan, si ay uga baxdo faqriga, colaadaha sokeeye iyo waxa uu ugu yeeray argagaxisada ka jirta soomaaliya .
“Soomaaliya maanta waxay maraysaa mid ka mid ah dhaawicii gaaray Yurub 1945-kii – waxaana ka socda dhaqdhaqaaq la mid ah kii Yurub looga saaray dhibaatada. Sidoo kale dhaqaale ahaan waxay maraysaa heerkaas oo kale” ayuu Xasan u sheegay wargeyska Financial Times.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya la dhihi karo way ka daran yihiin kuwii xilligaas ka jiray Yurub, isagoo xusay inay la tacaalayso Soomaaliya sida uu yiri argagaxiso iyo burcadbadeed oo aan xilligaas jirin, Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in xadiga gargaarka la helo ay ku xiran tahay sida ay uga baxayaan dhibaatada dalkooda ka jirta. Isagoo xusay in hadda Muqdisho uu ka socdo dib u dhis, hareeraha waddooyinka waaweynna lagu arkayo dukaamo badan oo laga furay.
“Waan u jeednaa inay sii dhammaanayaan calaamadihii isku-dhacyada, laakiin weerarrada miinooyinka hareeraha jidadka la geliyo, ismiidaaminta waa kuwo weli sii socda, waana kuwo muujinaya in kuwa wada looga adkaaday dagaalladii tooska ahaa” ayuu yiri Xasan Sheekh, sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in inkastoo khatar badan ay jirto haddana uu dalku uu horay u sii socdo uunka kasii xaluulanayo maalmihii madoobaa ee fowdada.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka baxayso 22-sano oo colaado ah, loogana baahan yahay caalamka inay ka geystaan gacan sidii lagu badbaadin lahaa Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.