DAVID CAMERON OO KA HADLAY SHIRKA SOOMAALIDA EE KA FURMAYA MAGAALADA LONDON

xeydar May 6, 2013 Comments Off
DAVID CAMERON OO KA HADLAY SHIRKA SOOMAALIDA EE KA FURMAYA MAGAALADA LONDON

Ra’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron oo ka hadlayay Xaalada Soomaaliya iyo Caqabadaha ku hor gudban helitaanka Hanaanka Nabadeed ee Soomaaliya,ayaa shaaca ka qaaday in falalka Burcad badeeda iyo wax uu ugu yeeray Argagixiso ay yihiin caqabadaha ugu weyn ee ka jira Soomaaliya.

David Cameron ayaa tilmaamay in wadanka soo kabsanaya ee Soomaaliya uu u baahan yahay garab istaag weyn iyo gacan qabasho, isagoona farta ku goday in la dagaalanka Al-shabaab iyo Burcad badeeda ay u tahay Muhiim Helitaanka hanaan dowladnimo.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay ra’iisul wasaaraha dalka ingiriiska in Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed ee daashatay shaqo la’aanta, Mustaqbalka dhow ay ka bixi doonaan, islamarkaana ay gaari doonaan heer shaqo wanaangsan ay helaan.

Xaqiiqdii caqabadaha iyo dhibaatooyinka adag ee Soomaaliya ka taagan,wuxuu yahay rabshdaha ay geysanayaan Argagixisada, dhalinta burcad badeeda ah ee ka qowleysta xeebaha Soomaaliya, afduubka ka dhaca gudaha Soomaaliya,

Waa kuwa dhibaatada ku haya arimahaasi oo idil, wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee iyagu shaqo la’aanta haysta, maanta waa maalintii Soomaaliya ay ka bixi laheyd lug gooyada iyo dhibaatadii soo martay.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha oo hadaladiisa laga dheehanayey rajada wanaagsan ee uu ka qabo xaalada mustaqbalka Soomaaliya ka dib shirka ka furmaya London, ayaa dhanka kale waxa uu fariin dardaaran ah u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada ku sugan, kaasi oo ku aadan in ay gacmaha isku qabsadaan dib u dhiska dalkooda, islamarkaana ka gudbaan Maqaraarufka dhulalka shisheeye.

Waxaan fariin u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan anigoo rumeysan in la gaaray xiligii dib ugu noqoshada dalkooda hooyo,

Shirkaan wuxuu horseedi doonaa miro dhalkiisa in Soomaalida ay u guntadaan sidii dalkooda ay u nabadeyn lahaayeen kagana qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska si shacabka Soomaaliyeed ee daalay u heli lahaayeen dowlad caadil ah oo xasilisa dhulka,waxaana qeyb ka noqon doona dib u dhiska dalka beesha caalamka.

Dowlada Britian waxay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, ayadoona ka gacansiiya la dagaalanka Al-shabaab, burcad badeeda Soomaalida ee iyagu ka qafaasha xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan Maraakiibta shixnadaha kala duwan sida, sida gargaarka iyo waxii la mid ah.

Waxaana hadalka Mr. Cameron uu imaanaya, xilli lagu wado in Xukuumada London 7-may ay martigeliso shirka danaha Soomaaliya looga hadlayo ee ka furmaya London, kaasi oo lagu kulansiinayo Soomaalida ay marin habaabiyeen dagaalada iyo abaaraha dalka ka jiray.

Shirka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, ayadoona ay jiraan warar sheegaya in Maamulka Soomaliland ka caga jiideyso ka qeyb galka shirka, kuna xirtay sharuud ah in ay ka qeyb galeyso shirka iyadoo wadata calan gooni ah iyo ictiraaf dowladnimo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhegaha kor u taagaya kana war dhowraya warka ka soo baxa shirka, waxayna isweydiinayaan su’aasha ah shirka London Ma noqon doonaa Mid Mira dhala mise wuxuu mari doonaa kuwii ka horeeyay meelihii ay mareen.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.