Shir dib lagu soo nooleynayay ururkii RRA oo lagu qabtay deegaan ku yaala duleedka magaalada Baydhaba.

xeydar May 6, 2013 Comments Off
Shir dib lagu soo nooleynayay ururkii RRA oo lagu qabtay deegaan ku yaala duleedka magaalada Baydhaba.

Shir ay yeesheen saraakiishii hore ee dhaqdhaqaaqii ururkii RRA oo dib loogu soo nooleynayey jabhadda ayaa muddo todobaad ah ka socday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo shirakas looga hadlay arrimo fara badan.

Deegaanka shirka lagu qabtay oo lagu magacaabo Dhanqooq oo 15-km u jira Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin: dhibaatooyinka heysta bulshada ku abrtisata Digil iyo Mirifle, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo halka ay dowladda Soomaaliya ka taagantahay shirka ka socda Kismaayo iyo kuwo kale.

Todabaad uu shirkan socday ka dib ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay maamul xumo iyo musuqmaasuq hareerayay sida ay yiraahdeen dowladda Soomaaliya taas oo ay si gaar ah ugula kacday beelaha Digil iyo Mirifle, iyagoo codsaday inay wax ka bedesho dowladda habka ay awoodaha xukuumaddda ku qeybisay.

Shirkaasi ayaa lagu magacaabay maamul KMG ah oo ay yeelato RRA, iyadoo loo doortay Guddoomiyaha jabahadda Cabdi Axmed Aadan {Tegta}, iyadoo sidoo kale isla goobtaas lagu magacaabay Guddoomiye ku xigeenka RRA oo loo magacaabay Maxamed Axmed oo loo yaqaan {Dhiirrane} iyo taliyaha RRA ee dhinaca ciidamada oo isna loo magacaabay Maxamed Guud Mad Gaashaan.

Mas’uuliyiinta la magacaabay kuwii shirka goobjoogga ka ahaa waxay ugu dambeyn ku taliyeen in lasoo celiyo halgankii RRA, sida uu warfideennada u sheegay guddoomiyaha KMG ah ee RRA Cabdi Tegta.iyagoo aan faahfaahin wax ay la halgamayaan iyo sababta dib loogu soo celiyey jabhaddaasi.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.