Maamulka Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey xaalada iyo tirada dhaawacyadii maanta la gaarsiiyey Isbitalkaasi.
Duniyo Max’ed Cali oo ah madaxa Caafimaadka Isbital Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ku dhawaan 20 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba la gaarsiiyey Isbitaalka, kuwaasi oo ku dhaawacmay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM-4 ee bartamaha magaalada Muqdisho.
Duniyo Max’ed Cali ayaa sidoo kale sheegtay in Isbitalka la geeyey 3ruux oo meyd ah halka labo kale oo dhaawac daran qabay ay Isbitalka ku geeriyoodeen, waxa ayna tilmaantay madaxa Caafimaadka ee Isbitalka Madiina in dhaawacyadii maanta la geeyey Isbitalka qaarkood markii gargaar caafimaad loo sameeyey kadib dib loogu celiyey guryahooda.
Qarax xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 10 ruux oo badankood ahaa dad rayid ah halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.