Howlgalo balaaran oo ay saakay magaalada Muqdisho ka sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayna ka qeybqaateen diyaaradaha dagaalka ee sida qumatiga u kaca ayaa saakay laga sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.
Sida warku sheegayo ciidamada AMISOM ayaa saakay holwgalo baaritaano ah ka sameeyay degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafadda Xamar jadiid, waxaana la sheegay in howlgalka ay qeyb ka yihiin diyaaradaha dagaalka ee sida qumaatiga u kaca, kuwaas oo howlgalka baaritaanka ka qeybqaadanaya.
Wararkii ugu dambeeyay ee xaafadda Xamarjadiid laga helay ayaa waxay sheegayaan in illaa sedex diyaaradood oo ah kuwa dagaalka ay saakay dulheehaabayeen hawada xaafaddaasi, halka ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay iyaguna baaritaano dhinaca guryaha ka wada, waxaana la sheegay in mid mid ah ay u galaan guryaha xaafadda Xamar jadiid ee degmada Wardhiigley.
Goob jooge ku sugan degmada Xamar jadiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlogalo baaritaano ay mid mid guryaha ugu galayaan ka wadaan xaafadda X/jadiid, sidoo kalena ciidamadaasi ay dusha sare ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee sida qumaatiga ah u kaca, wuxuuna baaritaankan yimid ka dib markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka warheleen warar sheegaya in baarbuur ismiidaamin ah lagu diyaarinayo xaafadda X/jadiid, sidoo kalena laga warhelay sida saraakiishu sheegeen saraakiil Al-shabaab ah oo xaafaddaasi ku sugan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.