Ugaas Aweys Shiikh Xuseen Huneero oo ka Digay Dagaal Sokeeye oo Kismaayo ka Dhaca Mar Kale.
Golaha Guurtida ee Beelaha Jareer Weyne ayaa Kulan ay isugu yimaadeen waxa ay kaga hadleen Xaaladaha Soomaaliya Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Bulsha ahaanba waxaana Gabagabadii Kulanka ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weyne Ugaas Aweys Shiikh Xuseen Huneero oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay Kulankaas ay yeesheen Goluhu.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Goluhu dood dheer ka yeeshay Shirka Maamul u Samaynta Gobalada Gedo iyo Jubbooyinka isagoona sheegay in ay soo dhaweynayaan Maamul kasta ee xalaal ah loona dhan yahay ee ay Goboladaas Sedaxda ah ay samaystaan taasoo waafaqsan ayuu yiri Nidaamka Federaaliisimka.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida jareer Weyne Ugaas Huneero ayaa ka digay in Maamul u Samaynta Goboladaas ay ku dhacdo Cadaaladdarro iyo in Qabiil Qabiil wax lagu saleeyo taasoo uu sheegay haddii ay dhacdo in la filan karo Dagaal Sokeeye oo mar kale halkaa ka dhaca. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gobolka Jubada hoose xiligan Xiiso aan looga qabin Dagaal halkaa ka dhaca maadaama Dagaalo badan ay soo martay Gobolka Jubada Hoose xiligana shacabka halkaa ku dhaqan ay u baahan yihiin Nabad iyo Dib u Dhis.
Aweys Shiikh Xuseen Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weyne ayaa sidoo kale ku baaqay in Goobaha Xarakada shabaab ay kaga sugan yihiin Goboladaas ku Midoobaya Maamulka Jubbaland ay ka Xoreeyaan Dagaalyahanadaas oo sida uu sheegay laga yaabo in ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Gobolka Jubada Hoose kuwaas oo uu sheegay in ay Caqabad ku noqon karaan Maamul u Samaynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.