Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sameeyey hormarin si ay u fududaadaan howlaha uu Bankiga u hayo bulshada Soomaaliyeed ayadoo dhanka kalena uu Bankiga Dhexe howlgeliyey barro dhanka internetka ah kuwaasi oo ay bulshadu kala xiriiri karaan.
Howlahan hormarinta ah ee lagu sameeyey Bankiga Dhexe ee Dalka ayaa waxa ay sahleen in uu Bankiga awood u yeesho in si caalami ah oo la mid ah habka ay u shaqeeyaan Bankiyada kale ee caalamka uu u shaqeeyo ayadoo howlahaasina ay ka mid yihiin in Bankiga Dhexe uu bixiyo mushaharaadka dhammaanba mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda.
Qaabka mushaharaadkan lagu bixinayo waxaa sahlay qalab cusub oo dhowaan lagusoo kordhiyey Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayadoo qalabkaasina uu la mid yahay qalabka ay ku shaqeeyaan bankiyada caalamka waxaana qofkii mushahaar ka qaadanaya Bankiga looga buuxinayaa mar qura foom qaab casriyeysan oo Computer loo isticmaalayo ayadoo markaasi kadibna qofka marka uu mushahaarka soo doonanayo uu kaliya fartiisa saarayo bar loogu talagalay kadibna la helayo foomkii laga buuxiyey oo dhameystiran sida halka uu ka shaqeeyo iyo qiimaha mushaharka uu qaato.
Dhinaca kale Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa howlo geliyey barro dhanka internetka ah oo loogu talagalay iney shacbiga Soomaaliyeed kalasoo xiriiraan amaba ay kala socon karaan shacabku qaabka ay u socdaan howlaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa la howlgeliyey bar internet ama website kaasi oo ah:- www.centralbank.so ayadoo waxyaabaha bogaasi ay bulshadu ka heli karaan ka sokoow la socodka howlaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya halka uu marayo isbedelka sarifka lacagaha qalaad iyo macluumaad kale oo badan.
Sidoo kale Bankia Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa uu howlgeliyey bog cusub oo dhanka Twitterka ah oo isagu xiligan ka mid ah shabakadaha ay bulshadu aadka ugu kulanto waxaana bogaasi dhanka Twitterka ah ee uu howlgeliyey Bankiga Dhexe yahay sidan:- CBSOMALIA.
Talaabooyinkan lagu howlgeliyey barrahan dhanka internetka ah ayaa waxa uu maamulka Bankiga Dhexe ee Dalka uga golleeyahay in wixii hada ka dambeeya ay shacabka Soomaaliyeed si fudud ku heli karaan xoggo saxan oo la xiriira halka ay marayaan howlaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Comments are closed.