Waxaa galab gaabadkii maanta degmada Dharkinley ee gobolka Banaadir lagu dilay allaha u naxariistee wariye Max’ed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa wariyayaasha ka howlgala warbaahinta dowlada.
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado tiradooduna lagu sheegay labo ruux ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay dil u geysteen allaha u naxariiste wariye Max’ed Ibraahim Raage, waxaana la sheegayaa dilka kadib in ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilka u geystay wariyaha.
Marxuum Max’ed Ibraahim Raage ayaa horey ugu soo shaqeeyey Idaacadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ka howlgala magaalada Muqdisho oo ay kamid yihiin Shabelle iyo V,O,D isagoona markii dambe ku biiray warbaahinta dowlada.
Dilka wariye Max’ed Ibraahim Raage ayaa qeyb ka noqonaya dilalka loo geysto wariyayaasha ka howlgala Soomaaliya oo mudooyinkii dambe Soomaaliya ka noqday wax iska caadi ah oo aan wax la iska waydiin.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.