Naadiga Benimaalik oo burburiyay Hamigii Gold Stars, iyo Naadiga Azuura oo Booska ka ciriirsatay dhalintii Dhimbil ( Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE iyo Natiijooyinkii maanta)
Ciyaaro ka tirsan tartanka koobka Marxuum SULEYMAAN COLAAD ROOBLE ayaa maanta ka dhacay garoonka Altaraji ee xaafada Sharafiyah, iyadoo ay iswada arkeen kooxaha DHIMBIL Vs. AZUURA, iyo BENIMAALIK Vs. GOLD STARS.
Ciyaartii ayaa waxay dhexmartay kooxaha Azuura Vs. Dhimbil, ciyaartaas oo ahayd mid kala bixinaysay cida haraysa iyo cida soo baxeysa, waxayna labada dhinac la soo shirtageen xirfadihii u dambeeyay, taasi oo ay ku doonayeen inay dhibcaha ciyaarta la hoydaan.
Kooxda Azuura ayaa dardar xoogan kusoo gashay iyadoo weerar darandoori ah ku haysay naadiga Dhimbil, waxayna gelinkii hore ee ciyaarta kusoo gabagabeysay 2 – 0 oo ay guusha ku hogaaminaysay.
Gelinkii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Dhimbil ay xoojisay khadka dhexe ee ciyaartoydooda waxaana u suura gashay bilowgii ciyaarta inay gool qurux badan ka dhaliyaan naadiga Azuura, goolkaasina wuxuu u suura geliyay inay hantaan dhexda iyo hogaanka ciyaarta haseyeeshee nasiibka waa meeshiisee, waxaa daqiiqadii u dambeysay ee ciyaarta lagu keenay Goolkii saddexaad kolkii ay ciyaartoyda reer Dhimbil wada weerar galeen taasi oo Azuura u sahashay inay kubadd dheereysa soo daba mariso difaaca Dhimbil oo joogay khadka dhexe sidaana goolkii sadexaad looga dhaliyay, waxayna ciyaarta kusoo gabagabowday 3 – 1 oo rajadii ka lumisay kooxda Dhimbil.
Ciyaartii labaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha Gold Stars Vs Benimalik, waxayna ahayd ciyaar aan isu dheelitirnayn iyadoo ay kooxda Benimaalik gelinkii hore ee ciyaarta kusoo dhameysay 5 – 1.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayay hadana saddex gool oo darandoori ah la heleeleen goolka reer Gold Star oo maanta Daal iyo dhafar ka muuqday, waxaana looga badiyay 8 – 1 oo ka saartay tartanka Koobka Suleymaan Colaad Rooble.
Dhinaca kale waxaa xalay garoonka kubadda cagta ee xadiiqada Amiir Maajid lagu soo gabagabeeyay tartan lagu maamuusayey sanadguuradii 53-aad ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, Koobkaasi oo ay maskaxdiisa kasoo maaxatay daljire Maxamed Dhayib Maxamed oo ahaa Saraakiishii hore ee dalka, waxaana tartankaasi kasoo qeyb galay saddex kooxood oo kala ah Horseed, SYL, iyo Iftin Stars.
Waxaa cayaartii kama dambeysta ahayd isugu soo haray kooxaha Iftin Stars iyo SYL oo cayaar aad iyo aad u xiiso badan ka dhigay garoonka.
Labada kooxood ayaa ahaa kuwo si weyn ugu soo tabaabusheystay ciyaarta, waxayna ku soo galeen weerar iyo weerar celis, iyadoo ciyaarta gelinkeedii hore ay ku gacan sareeyeen kooxda Iftin Stars oo iska cunay fursado qaali ah.
Ciyaarta gelinkeedii dambe ayaa iyana labaatankii daqiiqo ee ugu horeeyay ay gacanta u gashay kooxda SYL oo aad mooday inay kala maqnaayeen ciyaartoydooda oo ahaa kuwa aan isla socon oo weerarkooda ku dhamaada meel cidla ah, taasina waxay kooxda Iftin u suura gelisay inay si weyn xooga u saarto xirfadda ah kubadda oo lakala dheereeyo.
Cayaarta labadeedii gelin ayaa ku soo gabagabowday 0 – 0 oo ay labada kooxood isla mari waayeen, waxaana kadib loo dhigay gool ku laad ama rigoore yaal taasi oo nasiibka u yeeshay kooxda IFTIN STARS oo 11 Gool iyo 10 kaga badiyay kooxda SYL.
Kooxda IFTIN STARS ayaa habeenkii xalay ahaa ka Iftiimisay garoonka Amiir Maajid wacdaro iyadoo isku darsatay Natiijo iyo Cayaarba, waxaanu lee nahay Mabruuk, Halka Kooxda SYL na aanu leenahay Nasiib Wacan.
Waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay koobkii Ciidamada Xooga Dalka oo lagu sharafay inuu dhiibo mid kamida dhalintii Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacantay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Cayaartan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa talefishanka caalamiga ee SOMALICHANNEL, iyadoo howlwadeeno ka ahaayeen Weriye Cabdulcasiis Kulmiye iyo Xabiib Shariif “Shushuun”.
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir ‘diyeeshe’
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.