INJINEER YARIISOOW OO LOO MAGAACABAY AFHAYEENKA MADAXTOOYADA

xeydar April 17, 2013 Comments Off
INJINEER YARIISOOW OO LOO MAGAACABAY AFHAYEENKA MADAXTOOYADA

Sida ay sheegayaan warar aan ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay C/raxmaan Cumar Injineer Yariisoow oo soo qabtay xilal kala duwan oo wasiiro ah ayaa hada loo magacaabay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Inkastoo si cad aan loo shaacin in Injineer Yariisoow uu yahay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadana warar horudhac ah oo aan helnay ay sheegayaan in Yariisoow xilkaasi loo magacaabay.

Injineer Yariisoow ayaa soo noqday Wasiirkii lacagta Xukuumadda KMG aheyd ee dalka,sidoo kalena soo noqday Wasiirkii warfaafinta iyo sidoo kale afhayeenkii Xukuumadii KMG aheyd ee dalka soo martay.

C/raxmaan Cusmaan Injineer Yariisoow oo ah siyaasi inbadan lasoo shaqeeyay Dowladii uu hogaaminaye Shariif Sheekh Axmed ayaa hada waxaa laga dhigay inuu noqdo afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Muddo labo todobaad kadib ayaa la sheegay inuu shaqada afhayeenka Madaxtooyada uu si toos ah uqaban doono,markaasi oo shaqadiisa caadiga halkaasi ka bilaabayo.

Inkastoo aysan ku cusbeyn shaqada loo magacaabay Injineer Yariisoow ayaa horay usoo noqday afhayeenkii Xukuumadii KMG aheyd ee dalka soo martay.

Xogta ku aadan in Injineer Yariisoow laga dhigay afhayeenka Madaxtoyada Soomaaliya ee aan wali la shaacin ayaa waxaa inoo sheegay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.