Afhayeenka la doortay ee baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow hadal mahadcelin ah ka jeediyey hoolka doorashada afhayeenka ay ka dhacday ee dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Cismaan Jawaari oo hadalkiisu koobnaa ayaa u mahadceliyey dhamaan xildhibaanada oo uu sheegay in kuwii doortay iyo kuwii aan isaga dooran uu u mahadcelinayo.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey Dr Cali Khaliif Galeyr oo u tanaasulay wareegii labaad intaan la gelin kaasoo wareegii koowaad ay ku tartameen doorashada aada isugu dhowaayeen.
Isla markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in Jawaari uu yahay afhayeenka la doortay ee baarlamaanka waxaa amaankiisa la wareegay ciidamada AMISOM oo goobta joogay.
Dhanka kale waxaa hadda bilawday doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad oo ay u tartamayaan 9 musharax oo ay ka mid yihiin; Gen Bashiir Goobe (agaasimihii wasaaradda arimaha gudaha), Prof Dalxa oo horey u ahaan jiray gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo C/weli Sheekh Muudeey oo isaguna dhowaan ka mid ahaa dadkii la safnaa Shariif Xasan.
Waxaa doorashadan ku sii xigi doona mida gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.