Al-shabaab oo markale ku hanjabtay inay weeraro ka geysan doonto magaalada Muqdisho

xeydar April 17, 2013 Comments Off
Al-shabaab oo markale ku hanjabtay inay weeraro ka geysan doonto magaalada Muqdisho

Xarakada Al-shabaab ayaa markale ku hanjabtay inay weeraro cusub ka geysan doonto magaalada Muqdisho, ka dib labo maalin ka hor oo ay weeraro ay ku dhinteen 30-qof ay Al-shabaab ku qaadeen dhismaha garsoorka Soomaaliya oo xarum ah maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Al-shabaab waxay hanjabaadeeda ku sheegtay inay beegsan doonto xarumo kale oo ay dowladdu ku leedahay Muqdisho, inkastoo aysan sheegin kuwa ay bartilmaameedsanayso, iyadoo hanjabaaddan ay imaaneyso xilli ay madaxda dowladdu sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkeynayaan ammaanka guud ee Muqdisho.

“Weeraradii dhacay Axaddii waxay ahaayeen kuwo meesha looga saarayay riyooyinka dowladda maqaar-saarka ah, weeraro kale ka xoogan kuwaas ayaana qorshenaynaa” ayuu yiri afhayeenka howgalada ee Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta, Abuu-Muscab waxaa kale oo uu sheegay in dhawaan ay dhici doonaan weeraro kale, balse ma uusan sheegin meelaha ay toos ula beegsan doonaan, isagoo sheegay inay ka go’antahay inay dagaalada sii wadayaan inta dowladda Soomaaliya ay meesha ka saarayaan.

Weerarkii Axaddii ka dhacay xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyey sida ay Al-shabaab sheegtay shan ka mid ah dagaalyahanadooda sida gaarka ah u tababaran, balse dowladda ayaa sheegtay in ragga weerarka qaaday ay ahaayeen sagaal qof, lix ka mid ahna ay isqarxiyeen, waxaana qaraxyadaasi lagu tilmaamay kuwo xasuuq loogu geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Comments are closed.